Munaasabada todobaadka dhirbeerista Qaranka Oo Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabadaan lagu daah furay todobaadka dhirbeerista Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ay ku beegan tahay Maalintii Qaranku u asteeyay ee 17-ka April ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Soomaaliya iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada iyo marti kale .

Darbiyada ayaa lagu xardhay boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo ka turjumaya muhiimadda dhirtu u leedahay Ummadda, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiintu ay talaaleen dhowr geed .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Maxamed Cumar Nuur oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maalintani muhiimad weyn u tahay dalka, isla markaana looga baahan yahay bulshadu in ay ka faa’iideystaan oo ay dhir beeraan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaga guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Geeddi oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qayb gashay munaasabada ayaa sheegay in uu ka qayb qaadan doono weyneynta maalintan, dhankiisana uu geedo ka talaali doono.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ahna ku-simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed oo ugu dambeyntii ka hadlay munaasabada ayaa xusay muhiimada dhirta iyo sida loogu baahan yahay in laga wada qayb qaato xuskeeda, gudoomiyaha gobolka Banaadir ayuuna ugu baaqay in uu qaato doorkiisa in la dhireeyo gobolka .

“Qaranka Soomaaliyeed baa 17 April u asteeyay in ay noqoto maalinta dhir beerista sidaas darteed ayay tahay in la badiyo dhir beerista iyo in la badiyo ka faa’iideysiga dhirta, mawaadin kasta oo Soomaali ah waxaa xilka ka saaran yahay in uu geed talaalo waliba geed mirood “ayuu yiri Wasiir Gaarane .

Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha waxaa ay ugu baaqday maamulada dalka ka jira in ay weyneeyaan maalintaan Qaranka, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegayaan in xuska uu socon doono muddo isbuuc ah


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Galmudug oo War Ka soo saartay Xildhibaan ka soo jeeda deegaanadeeda oo Geeriyooday.
- Oct 18, 2017
War-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa looga hadlay Geeridii ku timid Xildhibaan Bootaan ...
Xildhibaan ka soo jeeda Galmudug oo ku geeriyooday Dalka India
- Oct 18, 2017
Alle ha u naxariistee Bootaan Ciise Caalin oo ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ...
SAWIRO-:Wafdi ka socda WFP oo gaaray Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug.
- Oct 18, 2017
Wararka naga soo gaarayo magaalda Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa soo sheegayo in maanta ...
Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo maanta ka socda Magaalada Muqdisho”Sawiro”
- Oct 18, 2017
Boqolaal Shacab ah oo ka Careysan Xasuuqii loo geystay Dadkii Shacabka ahaa ee lagu ...
Daafaca Kooxda Chelsea & Qaranka Brazil David Luiz si dareen leh uga hadlay Qaraxii lagu hoobtay Muqdisho
- Oct 17, 2017
Ugu yaraan 300 qofood ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen tiro kelana dhaawac ayaa ...
Daawo Sawirrada: Imisa qof oo American ah ayaa ku dhintay qaraxii Zoobe?
- Oct 17, 2017
Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa sii kordhaaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii cuslaa ...
Sawirro: Dhismooyinkii ku burburay qaraxa Zoobe oo durba dib u dhis lagu billaabay
- Oct 17, 2017
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilowday dib u dhiska dhismayaasha ku yaalla Isgoyska Zoobe ...
XOG: Warbixin ku saabsan halkii uu ku socday Gaarigii ku qarxay KM5 & Sidee ayku badbaaday
- Oct 17, 2017
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay goobta loogu taloglay in lagu qarxiyo gaarigii weynaa ...
XOG: Maxaadan Ogeyn Oo Caawa Ka Socda Villa Soomaaliya, Warar Sheegaya In Farmaajo Uu…
- Oct 17, 2017
Warar si hoose aan uga helnay goor dhow oo caawa ah ayaa waxay sheegayaan ...
Sawiro-Banaabax Looga Soo Horjeeda Qaraxii Muqdisho oo Gaalkacyo lagu qabtay…..
- Oct 16, 2017
Maamulka iyo Ardayda Jaamacada Gaalkacyo oo Galabta Muujiyay Sida ay ugu xun yihiin weerarkii ...
Daawo Muuqaal: Farmaajo Oo Xarunta Gurmad Qaran kaga jawaabayo Talefoonada Dadka Eheladooda Raadinaya
- Oct 16, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta sameeyey tallaabooyin uu ku muujinayo sida ay ...
Diyaaraddii Turkiga soo diray oo qaadday qaarka mid ah dhaawacyada (Sawirro)
- Oct 16, 2017
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ee ...
Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
- Oct 16, 2017
Wasiirka Caafimaadka dowladda Turkiga iyo Wafdi la socda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana ay ...
Gaalkacyo waxa lagu dilay Farsamo-yaqaan lagu magacaabo Aweys Daa’uud.
- Oct 16, 2017
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa Toorey ay dileen ...
DAAWO: RW Kheyre oo Caawa Booqday Isgoyska Zoope & Hadal Qiiro leh oo uu ujeediyay Ciidamada Xasilinta..
- Oct 15, 2017
Ra’isul Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa caawa mar kale booqday isgoyska Soobe oo ...
Meydadka ku dhowaad 200 oo ruux oo Galabta la aasay iyo Dhimashada oo sii korortay
- Oct 15, 2017
Waxaa sii kordhaya Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxii xooganaa ee ...
Akhriso Magacyada: Codkagalmudug oo heshay Liiska 127 dhaawac oo aanu ka warqabin ehelkooda oo ku kala jira Isbitaalada…
- Oct 15, 2017
Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo weli laga helaayo dhaawacyada la geeyay Isbitaalada ...
Sawirro: Muxuu Farmaajo kusoo arkay Isbitaalka Ordogaan & Isgooyska Soobe ee Muqdisho
- Oct 15, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ...
Daawo Galmudug oo Dalbatay in ay Magdhow ay Sii so Dowlada Mareykanka, Werarkii Jeexdin, Mudug
- Oct 15, 2017
Kulan oo ahaa mid ay ka qeyb galeen Masulin ka Tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ...
Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Muqdisho iyo dhimashada oo gaartay….
- Oct 14, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 ...

.