War murtiyeed—Qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Waxbarashada Qaranka

1. Wargelin Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Guud ee dalka, sannad dugsiyeed kasta dhammaadkiisa waa in arday kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaan geliyaa, la keydiyaa lana ogeysiiyaa natiijada imtixaanka. Sidaa daraaddeed arday kasta oo dhaemysta Dudsiga Sare waxaa ku waajib ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka.

Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare).

Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan afar maamul Goboleed oo kala ah Galmudug, Hiiraan Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubba Land iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

1. Codsi
Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waaliddiinta, ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo ciidamda ilaalinta nabad gelyada waddooyinka inay mas’uuliyad iska saaraan sidii loo xaqiijin lahaa qaadista imtixaanka, una fududeeyaan ardayda galista imtixaanka.
Waxaan si gaar ah uga codsanayaa madaxda iyo shaqaalaha Dowlad goboleedyada inay soo dhoweeyaan kormeerayaasha iyo howlwadeennada imtixaanka ee ka socda Dowladda Federalka ah, gacanna ku siiyaan sidii ay howlohooda ugu fududaan lahayd isla markaana ilaaliyaan ammaanka ardayda, howlwadeennada iyo imtixaankaba.
2. Mahadcelin
Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii xaqiijiyay oo taabba-gal ka dhigay howlaha imtixaanka kuwaasoo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, heer federal iyo heer maamul goboleed.

Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Hey’adaha waxbarashada waaddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ciidamada qalabka sida qeybohooda kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska, Nabad sugidda iyo Xoogga Dalka, doorkii ay ka qaateen xaqiijinta imtixaanka.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo madaxdooda taageerada joogtada ah ee ay siisaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilliyada imtixaanka.

DHAMAAD


Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG CUSUB: RW Kheyre oo Cadaadis xoogan ka helaya Xildhibaanadda, Beelaha Hawiye & Xafiiska Madaxweynaha (SABABTA)
- Aug 23, 2017
Xildhibaanadda aqalka sare ayaa ku dhegan Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya iyo afar kamid ah ...
SAWIRRO: Isgoyska KM4 & taaladda Axmed Gurey oo Caawa dib loo furay & Bilicdii..
- Aug 23, 2017
Waxaa caawa dib loo furay Taalada isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, kadib markii muddo ...
Deg Deg ah-Madaxweyne Xaaf iyo Gen-Galaal oo kulan ku leh Cadaado kadib Markii….
- Aug 22, 2017
Wararka naga so Gaaray Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee cadaado ayaa sheegaya in hadda halkaasi ...
AKHRISO: Magacyada iyo Beelaha Wasiirada Galmudug ee la magacaabay
- Aug 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay magacaabay wasiiro ka kooban ilaa ...
War Deg Deg ah:- Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo Goor Dhow Magacaabay Wasiir Cusub
- Aug 22, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u magacaabay Saadaq C/llaahi Cabdi ...
War Deg Deg ah:- Sheekh Shaakir oo Maleeshiyaad farabadan u diray Degaanka Xeraale”Sawiro”
- Aug 22, 2017
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Hogaanka Maleeshiyada Suffa ee dhibaatada ka wada ...
War Deg Deg ah:- Ahlusunna oo ku kala qeybsantay Wadahadalka Galmudug
- Aug 22, 2017
Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta isku Khilaaftay wadahal ay la galaan Maamulka Galmudug kaas oo ...
Dagaal Maanta mar kale dib uga biloowday Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud
- Aug 22, 2017
Wararka ka imaanaya deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya ...
Al-shabaab oo Weeraray Saldhigga Degmada Afgooye
- Aug 22, 2017
Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay Dagaalameyaal ...
Madaxweynaha Soomaaliya oo Qudbad saameyn leh u jeediyay Jaaliyadda Soomaalida ee Masar
- Aug 22, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xalay Jaamacadda Al-Azhar Ee Dalka Masar kula kulmay ...
War Deg Deg ah oo hadda na soo gaaray Madaxweynaha oo sheegay in Ciidamada ….
- Aug 22, 2017
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku ...
War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug oo Saakay tagaya Degaanada Ahlusunna lana kulmi doona Madaxda Ahlusunna
- Aug 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Wafdi la socda ayaa Maanta oo Talaado ...
Akhriso Golaha Wasiirada Cusub ee Mamul goboleedka Galmudug & Madaxweyne Xaaf oo sameeyay…
- Aug 21, 2017
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goor dhow ku dhawaaqay golaha ...
Waa Maxay Sababta Horjoogayaasha Al-shabaab Dawladdu Roogga-Cas Ugu Dhigtaa,Dhalinyaradana Tiirka Toogashada Lootagaa?
- Aug 21, 2017
Waxaa wakhti aan sidaasi usii fogayn garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga ...
Waa Sidee saakay Xaalad Magaalada Cadaado?
- Aug 21, 2017
Warar saakay naga soo gaarayo magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Galmudug ayaa sheegaya ...
Sedex Masuul oo ka dambeysay in la rido Madaxwyenihii Hiirshabelle & Doorkii MD Farmaajo.
- Aug 21, 2017
Xukuumadda Soomaaliya  ayaa taageertay go’aankii ay barlamaanka Hiirshabelle xilka uga qaadeen madaxweynihii maamulkaas Cali ...
Faafaahin dagaal kooban oo ka dhacay duleedka Cadaado
- Aug 20, 2017
Waxaa dagan xaaladda goobihii ay galabta ku dagaalameen ciidamada Maamulka Galmudug iyo maaliyeeshiyo uu ...
Cali Cabdulaahi Cosoble”Madaxweynaha Hirshabelle ee Saxda ah waa aniga”
- Aug 20, 2017
Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay dhowaan xilka ka qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay ...
War Deg Deg ah:- Ciidamada Ammaanka Galmudug iyo Maleeshiyaad ku Dagaalamay Cadaado
- Aug 20, 2017
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado Ee Xarunta KMG Galmudug ayaa sheegaya in Dagaal ...
War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Dagaalka Xeraale
- Aug 20, 2017
Kulan aan caadi aheyn oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada ee ...

.