Wasiir hore ahna Xildhibaan“Har & Habeen waa lii soo Hanjabaa”

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, marna noqotay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay in dhaqanku yahay caqabada ugu adag ee haweenka Soomaalida ka hortaagan ka qayb galka siyaasadda.

Foosiya oo u warantay telefishanka Aljazeera, waxay sheegtay in dumar badan ay rajo gashay markii ay noqotay wasiirka arrimaha dibada Somaliya, waxase ay sheegtay inay har iyo habeen hesho farriimo hanjabaad ah,  “Hadh iyo habeenba waa la ii soo hanjabaa. Haa way dhacdaa, laakiin kama baqanayo waxa beri dhici doona, maanta ayaan mashquul ku ahay.” ayay tidhi Foosiya, waxaanay iyadoo ka hadlaysa xilkii wasiirka arrimaha dibadda oo ay noqotay haweenaydii u horaysay ee xilkaas qabatay, ay tidhi “Waxay ahayd markii u horaysay. Waxaan safari ku tagi jiray gudaha dalka, mar kasta oo aan la hadlo gabdhaha yaryar waxay igu odhan jireen hadda waxa noo muuqata rajo, hadda wax baan qaban karaa, hadda meel ayaan qabsan karaa, waxaan ana u sheegi jiray mar kasta oo aan la hadlo cidi idima joojin karto haddii aad meel doonaysaan. Raggu way idin taageerayaan haddii aad ugu dambayn tidhaahdaan dib uma noqonayno.”

Foosiya waxay sheegtay in caqabadaha dumarka ka haysta ka qayb galka siyaasada ay ugu weyntahay dhaqanka. “Waa caado in dumarka laga ilaaliyo awooda, laakiin ma rumaysni inay tahay diin.” ayay tiri,  “Waxa ugu weyn ee loo baahanyahay waa in qabyaaladda laga hortago.  “Haddii aad dib ugu noqoto taariikhdii hore ee Soomaalida ee waagii baadiyaha, dumarka ayaa waxa kasta qaban jiray. Awood ayaanu lahayn waagaas hore. Waxa jiray dumar ka qayb galay dawladda sannadkii 1968, sanadahan dambe ayaa dib lanoo riixay.”

Waxay Foosiya sheegtay in haddii ragu arkaan dumarka oo socda islamarkaana bilaabaya hawlo ay soo dhawayn doonaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliland Oo Maanta Ka Dhaceysa Hargeysa
- Dec 13, 2017
Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland Maanta waxaa la filayaa in ay ka dhacdo ...
XOG CUSUB: Yaa Loo xiray Qarixii lagu dilay Weriye Maxamed Ibraahim Gaabow?
- Dec 12, 2017
Wararka laga helayo laamaha Amniga ayaa sheegaya in dhowr qof loo xirxiray qarixii lagu ...
DAAWO MUUQAALKA: Qaban Qaabada Xaflada Xil Wareejinta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland
- Dec 12, 2017
Waxa Madaxtoyada Somaliland iminka ka socota qaban qaabada munaasabad ay xilka kula kala waregayaan ...
WARARKA DEG DEG: Masuul Qarax lagu Dilay & Xog deg deg ah oo laga helayo
- Dec 12, 2017
Wararka Buuraha Galgala ee Gobolka Bari ee degaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta ...
Sawiro-Golaha Wasiirada Galmudug oo cadaado ku yeeshay kulan deg deg ah iyagona ku ansxiyay….
- Dec 12, 2017
Golaha wasiirada Galmudug ayaa maanta cod buuxa ku taageeray heshiiskii Dowlada Galmudug iyo Ahlusuna ...
Horumarinta dhulkeennu waa hal aan tabeynay
- Dec 12, 2017
Ugu horreyn waxaan u mahad celinayaa allah SW oo inagu galladay diinteenna suuban ee ...
DEG DEG: Toogasho iyo Kala carar Goordhow ka dhacay Muqdisho
- Dec 12, 2017
  Koox hubeysan ayaa goor-dhaw Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dishay wiil dhalinyar ah ...
XOG: Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Soo Celiyey 6 Arrin Oo Soomaaliya Muddo Laga Weysanaa
- Dec 12, 2017
Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dib ...
XOG: Xasan Sheekh & Cumar C/rashiid oo Imaaraadka ka iibiyay Somalia
- Dec 12, 2017
Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka haysta heshiis u saamaxaya waxyaabo badan oo danahooda Soomaaliya ku saabsan, sida ...
Sheekh Nuur Baaruud “Dad Badan Ayaa Dhahaya Wadaadka Hala Tarxiilo Goormeen Ajnabi Noqday Xageesa La”Ii Tarxiilayaa?
- Dec 12, 2017
Sheekh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ahna gudoomiye ku ...
Dowladda Somaliya oo si kulul u cambaareysay dilka Wariye Maxamed Ibraahim
- Dec 12, 2017
Dowladda Somaliya, ayaa si kulul u cambaareysay dilkii caawa Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wariye ...
XOG CUSUB: C/llahi Sambaloolshe oo shaaca ka qaaday Arin lama filaan ah & Beelaha Muqdisho oo hor istaagay…
- Dec 12, 2017
Taliyihii Hore ee Hay’ada NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalolshe ayaa waxa uu ka hadlay ...
Jawaari oo si Kulul uga hadlay Arinta Qudus & Amar uu faray Guddiga A/Dibadda ee Baarlamaanka
- Dec 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul ...
Sawiro-Madaxweynaha Galmudug oo cadaado ku laabtay isagona ka hadlay qorshihiisa ku aadan….
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu ...
Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir Oo Galabta Ciyaar Ka Dhici Laheyd
- Dec 11, 2017
Ciidamada Xasilinta iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa wxa ay baaritaano ka sameeyeen Garoonka Kubadda ...
DEG DEG: Al shabaab oo Gubay Gawaari Badeeco siday
- Dec 11, 2017
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari badeeco ...
DIGNIIN: Caano carruur aad loo isticmaalo oo la ogaaday in ay sumeysan yihiin
- Dec 11, 2017
Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Lactalis ee samaysa caanaha carruurta ayaa amartay in dib ...
Sawiro-Madaxda ugu sareysa Galmudug oo kulan is cafin ah ku yeeshay Muqdisho iyo Sheikh Shaakir oo ku baaqay…..
- Dec 10, 2017
Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay hogaamiyaha maamulka ahlusuna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ...
Madaxda Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug”Sawiro”
- Dec 10, 2017
Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka ...
DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Gabdho Dhimirka la’ ku kufsaday Garacad
- Dec 10, 2017
Wararka ka imaanaya degaan Xeebeedka Garacad oo  ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ...

.