Akhri Liiska: 10-ka Magaalo ee Ugu Halista Badan Afrika oo la shaaciyay.[Muqdisho maku jirtaa?]

Hay’adda la talinta amniga dunida oo ku taalla dalka Maraykanka OSAC ayaa soo saartay dhowaan qiimeyn ay ku sameysay tobanka magaalo ee afrika ugu halista badan iyadoo ka eegeysa dhinaca fal-danbiyeedyada. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa 10-ka magaalo ee ugu halista badan, amni ahaan qaaradda Afrika waxayna kala yihiin:

1-Rustenburg, South Africa: waa magaalada ugu halista badan Afrika. Sanadkii ina dhaafay oo kaliya waxaa laga diiwaan-geliyey 11,117 fal-danbiyeedyo ah. 85.71 oo ka mid ah 100-kii danbi ayaa sidii la rabo loo fuliyaa. Dhaca noocyadiisa kala duwan iyo qalalaasooyinka siyaasadeed waa danbiyada si joogtada ah ugu dhaca magaaladan.

2-Pietermaritzburg, South Africa: Dhacdooyinka dilalka iyo dhaca ah waxay halkan ka joogaan meel sare. Saddexdii sano ee ugu danbeysey tirada fal-danbiyeedyadu waxay u kordheen si laba jibaaran.

3-Benghazi, Libya: Tan iyo dhicistii xukuumadda Qadaafi, Libiya waxay mijaha la gashay dhibaatooyin kala duwan. Amaankuna wuxuu gacmaha u galay maleeshiyo. Benghazi waxaa lagu xusuustaa in safaaradii Maraykanka lasoo weeraray sanadkii 2012–halkaas oo safiirkii Maraykanka iyo afar kale lagu dilay.

4-Johannesburg, South Africa: Waa magaalada ugu weyn dalka Koofur Afrika. Waxaa ku nool 4 malyuun oo qof oo Soomaali badan ay ka mid tahay. Tirada fal-danbiyeedyo ee ka dhacana mayara. Tirada kiisas badan ee ku lugta leh kufsiga awgeed, waxaa magaaladani lagu magacaabay caasimaddii Kufsiga.

5-Durban, South Africa: Waa magaalo xeebeed ku caan ah dalxiiska oo sanad kasta ay yimaadaan kumaan kun oo dalxiisayaal ah. Waxaa la yaab leh, heerka amni-daro ee badi magaalooyinka dalkan ka jira awgeed, way adag tahay in dalxiise kaligiis iska socdaalo ama uu ku socdo gaarigiisa.

6-Lagos, Nigeria: Tiro lagu sheego 21 malyuun oo qof ayaa ku nool magaaladan Lagos, waana magaalada ugu weyn dalka Nigeria. Heerka fal-danbiyeedyaduna aad bay u sarreeyaan. Tuugo hubeysan ayaa dhaca ku fuliya barriga iyo biyaha.

7-Cape Town, South Africa: Waa magaalo-xeebeed kale oo ay ku nool yihiin tira badan oo Soomaali ah halkaas oo heerarka fal-danbiyeedku ay kordheen.

8-Port Elizabeth, South Africa: Waa magaalo-xeebeed kale oo soo jiidata tira badan oo dalxiisayaal ah. Waa magaalo taariikh hida-dhaqameed leh kana mid ah magaalooyinkii uu maray badmareenkii reer Portugal ee Vasco de Gama.

9-Luanda, Angola: Waa caasimad. Heerka fal-danbiyeedyaduna aad bay u sarreysaa halkaasoo dhaca noocyadiisa kala duwan lagu arko kaasoo u badan meelaha ay ku badan yihiin dadka shisheeyaha ah. Waana mid aad loogu baqo dalxiisayaasha. Waxaana lagula taliyaa inaysan lacago kala bixin meelaha ATM-yada ah ee jidadka ku ag-yaalla.

10-Nairobi, Kenya: Waa isha dhaqaale ee dalka Kenya. Halkaasoo sidoo kale tira badan oo Soomaali ah ay ku ganacsadaan. Waxay soo jiidataa indhaha shisheeyaha iyo maal-gashadayaasha, hase yeeshee waxay u nugushahay fal-danbiyeedyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caalamka looga arko inay ka mid tahay magaalooyinka ugu halis badan adduunka ayaan lagu soo darin warbixintan maadaama aanay qayb ka ahayn tirokoobka cilmi baadhistan amni ee lagu sameeyey dalalka kale.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Daawo Muuqaal: Farmaajo Oo Xarunta Gurmad Qaran kaga jawaabayo Talefoonada Dadka Eheladooda Raadinaya
- Oct 16, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta sameeyey tallaabooyin uu ku muujinayo sida ay ...
Diyaaraddii Turkiga soo diray oo qaadday qaarka mid ah dhaawacyada (Sawirro)
- Oct 16, 2017
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ee ...
Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho
- Oct 16, 2017
Wasiirka Caafimaadka dowladda Turkiga iyo Wafdi la socda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana ay ...
Gaalkacyo waxa lagu dilay Farsamo-yaqaan lagu magacaabo Aweys Daa’uud.
- Oct 16, 2017
Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa Toorey ay dileen ...
DAAWO: RW Kheyre oo Caawa Booqday Isgoyska Zoope & Hadal Qiiro leh oo uu ujeediyay Ciidamada Xasilinta..
- Oct 15, 2017
Ra’isul Wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre ayaa caawa mar kale booqday isgoyska Soobe oo ...
Meydadka ku dhowaad 200 oo ruux oo Galabta la aasay iyo Dhimashada oo sii korortay
- Oct 15, 2017
Waxaa sii kordhaya Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxii xooganaa ee ...
Akhriso Magacyada: Codkagalmudug oo heshay Liiska 127 dhaawac oo aanu ka warqabin ehelkooda oo ku kala jira Isbitaalada…
- Oct 15, 2017
Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo weli laga helaayo dhaawacyada la geeyay Isbitaalada ...
Sawirro: Muxuu Farmaajo kusoo arkay Isbitaalka Ordogaan & Isgooyska Soobe ee Muqdisho
- Oct 15, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku booqday cisbataalka Ordogaan dadkii rayidka ...
Daawo Galmudug oo Dalbatay in ay Magdhow ay Sii so Dowlada Mareykanka, Werarkii Jeexdin, Mudug
- Oct 15, 2017
Kulan oo ahaa mid ay ka qeyb galeen Masulin ka Tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ...
Wararkii ugu dambeeyey qaraxa Muqdisho iyo dhimashada oo gaartay….
- Oct 14, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 ...
Madaxweynaha Galmudug oo ka Tacsiyeeyay Dadkii lagu xasuuqay Muqdisho,,,,
- Oct 14, 2017
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka #Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada,qaraabada ...
Mas’uul ka tirsan DF oo kamid noqday dadkii ku dhintay ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho +Magaca
- Oct 14, 2017
War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay ...
Sawirro Cusub: Meydad ku hoos jira dhismooyinka ku dumay Qaraxii Soope & Khasaaraha oo kordhay
- Oct 14, 2017
Weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo ...
Thaabit: ” Gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax Alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay”
- Oct 14, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ...
Sawirro hordhac ah: Dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhashay ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho
- Oct 14, 2017
Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay ...
Qarax labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro ka dhashay
- Oct 14, 2017
Qarax labaad oo loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay laamiga Ceel ...
Faahfaahin ku saabsan qaraxii Muqdisho ka dhacay iyo halka lala eegtay.
- Oct 14, 2017
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka ...
Sawirro:-Dab Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaalla Magaalada Cadaado
- Oct 14, 2017
Barqanimadii Maanta ayaa dab waxa uu ka Macau Suuq ku yaalla Bartamaha Magaalada Cadaado ...
XOG: Beesha Habar gidir oo Dalbatay in iskushaandheyn lagu sameeyo Wasiirada si ay u helaan Xilkan
- Oct 14, 2017
Sida ay ogaatay wakaalada Codkagalmudug.com Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ...
Guddigii loo Xil saaray Baaritaanka Kiiska Qalbi Dhagax oo Muddo kordhin Loo sameeyay.
- Oct 14, 2017
Wararka ay heshay Warbaahinta Codkagalmudug.com ayaa sheegaya in Muddo kordhin loo sameeyay Guddigii loo ...

.