Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in ay kulan ay la yeesheen Ku-Simaha Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay Ku-simaha Madaxweynaha Galmudg iyo Xubno katirsan labada Gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen talooyinkoodii ku aadanaa Qorshaha Guud ee aan diyaarineyno si Geedi-Socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay Wasaaradda u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay Bulshada Rayidka ee Galmudug, iyaga oo talooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay Qorshaha Guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba talooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wafdiga ka socday Wasaaradda ayaa sidoo kale booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kulan la qaatay Wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqayn joogta ah la yeesho.

Gunaanad, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga.

—–DHAMAAD—–


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dhalinyaro kasoo jeeda Galgaduud kasoo cararay & Sababtii Muqdisho keentay oo la ogaaday
- Sep 22, 2017
Barakac dhallinyaro oo aad u ballaaran ayaa ka soconaya deegaanno ay ka mid yihiin ...
Sawiro-Banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Xaaf loogana soo horjeedo DFS oo ka dhacay Cadaado & Gaalkacyo
- Sep 22, 2017
Dadweyne taageersan madaxweynaha Galmudug ayaa maanta bannanbax ka dhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta ...
Shir degdeg ah oo magaalada Cadaado uga socda Wasiirada maamulka Galmudug
- Sep 22, 2017
War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in shir degdeg ah uu iminka magaalada Cadaado ...
WAR DEG DEG AH:-Maleeshiyaad Puntland oo Dad Xoola Dhaqataa ku laayey Bariga Gobolka Mudug.
- Sep 21, 2017
Wararka hadda naga soo gaaraya bariga gobolka mudug ayaa sheegeya in maleeshiyaad ka soo ...
Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf”Dowladda Federaalka Faragelinta Hanaga Deyso”
- Sep 21, 2017
Axmed Geelle Ducaale Xaaf Madaxweynaha dowlad Goboledka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal ka soo ...
Sawirro: Wasiir Juxa iyo UN-ka oo kawada hadlay dhaqaajinta heshiisyadii Galmudug iyo Puntland
- Sep 21, 2017
Wasiirka Wasaardda Arrimaha Gudaha iyo Federaal mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xafiiskiisa  ku ...
XOG: Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo K/galbeed Oo Lagu Qiyaanay Taageeriddoodii Xulufada Sacuudiga
- Sep 21, 2017
Maamullada Puntland Galmudug, Hirshabelle iyo K/galbeed ayaa ku fashilmay qorshe ay ku taageereen xulufada ...
War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Galmudug iyo Ku Xigeenkiisa oo Khilaaf ka dhax qarxay”Akhriso”
- Sep 21, 2017
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ...
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka
- Sep 21, 2017
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu ...
Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo lagu Weeraray Gobolka Shabellaha Dhexe
- Sep 21, 2017
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Qarax Miino ...
Al-shabaab oo la sheegay in ay isku balaariyeen Degaanada Kooxda Suffa ay Maamusho
- Sep 21, 2017
Wararka ka imaanaya Degaanada Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in Degaanno hoosyimaada Magaalada ...
Aamusnaanta Dowladda Dhexe iyo go’aanada Maamul Goboleedyada
- Sep 21, 2017
Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa weli ka aamusan go’aanada isa soo taraya, ee ay Maamul ...
War Cusub-Shabaab oo sheegay inay dilayan Sheekh C/weli Sheekh Cali Cilmi
- Sep 21, 2017
Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku hanjabay inay dilayan Sheekh C/weli Sheekh Cali ...
Human Rights Watch Oo Ka Hadashay Qaxootiga Ethiopianka Ee Laga Masaafuriyey Somalia Iyo Kenya
- Sep 21, 2017
Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ...
Madaxweynaha Cusub ee H/Shabelle oo maanta Tijaabadii ugu adkeyd ku maraya Beled-weyne
- Sep 21, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa la filayaa in Saacadaha nasoo ...
Dhageyso:-Galmudug Oo Amar Dul Dhigtay Hay’addaha Iyo Shirkadaha Ka Howlgala Deegaanadeeda
- Sep 21, 2017
Kulan gaar ah oo ay Magaalada Cadaado ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka ...
Maxaa sababay arrinta ninka lagu eedeeyey in uu nabiga u gafey & Qaabkii looga jawaabay & Baraha Bulshadda?
- Sep 21, 2017
Waxay ahayd dhacdadii ugu saamaynta badnayd ee diin la xiriirta, dadkana isku mid ah ...
Dhageyso:-Galmudug Oo Cadeysay Sababta Ay U Taageertay Xulufada Sacuudiga
- Sep 21, 2017
War qoraal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu taageray ...
XASAASI: Galmudug oo Caawa Go’aan ka nixiyay DFS ka qaatay Khilaafka Xulifadda Sacuudiga & Qatar
- Sep 20, 2017
Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee ...
SAWIRRO: Galmudug oo soo dhowayn gobeed u sameysay Maryan Mursal
- Sep 20, 2017
Fanaanada caankaa ee maryan mursal ciise bootaan oo dhawaan soo gaartay magaalada gaalkacyo ee ...

.