Waa kuma Uhuru Kenyatta Madaxweynaha la doortay ee Kenya? (Akhriso Taariikhdiisa)

axaa goor dhow lagu dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu mar labaad ku guuleystay xilka madaxweynaha dalka Kenya, kadib markii uu ka guuleystay ninkii la tartamayay ee Raila Odinga.

Waxaan dib u eegeynaa taariikhda Uhuru Kenyatta oo ah ganacsade uu dhalay asaasihii dowladda Kenya ee madaxweynaha ka noqday dalkaasi markii ay Kenya xoriyadda ka qaaday Ingiriiska.

Uhuru Kenyatta waa nin maalqabeen ah, wuxuuna ka mid ahaa labadii Ra’iisul wasaare ku xigeen ee dowladii lagu heshiisyay qalalaasihii doorashada kadib ee Kenya. Waxaa dhalay ninkii u horseeday Kenya inay xornimada qaadato ee Mzee Jomo Kenyatta, isla markaana noqday madaxweynihii ugu horeeyay, waxaa uu leeyahay magac, sharaf lacageed iyo waliba culeyska ay labadaasi wataan.

Magaca Uhuru waa kalmad sawaaxili ah oo macnaheedu yahay Xoriyad, isagoo sameeyay rikoor cusub oo taariikhi ah markii uu mar labaad xilka madaxtinimada Kenya uu ku guuleystay.

Wuxuu hore u noqdaymadaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Kenya, isagoo dhashay bishii October 1961-kii. Wuxuu aabihii uga dheereeyay hoggaanka Kenya isagoo laba xilli oo 10 sano isku ah hoggaamin doona Kenya.

Inta badan dadka Kenya ma xasuustaan maaliintii bishii July sanadii 1990-kii, markaa oo isaga iyo afar wiil oo kale oo ay dhaleen siyaasiyiin caan ah ay soo saareen war saxaafadeed ay kaga codsanayaan xisbigii talada hayay ee KANU inay furaan hanaanka xisbiyada badan.

Marxaladii ugu muhiimsaneyd ee taariikhda siyaasadeed ee Uhuru waxa ay aheyd markii madaxweynihii hore ee Moi uu u magacaabay inuu noqdo qofka xilka ka badali lahaa, waxay aheyd 2002-dii, go’aankaasna waxa uu ka careysiiyay siyaasiyiin caan ah oo uu ku jiray, Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenkii waagaas ee George Saitoti.

Siyaasiyiintaasna waxay go’aansadeen inay isaga baxaan xisbigii KANU waxayna taageereen Mwai Kibaki oo ku guulaystay doorashadii.

Uhuru sidaa ayuu ku lumiyay fursadii ugu horeysay ee uu ku doonayay inuu ku noqdo madaxweyne.

Doorashadii xigtay ee 2007-dii waxa uu taageeray Mwai Kibaki oo doonayay in markale la soo doorto waxayna markaa si dadban isaga hor yimaadeen Raila Odinga.

Ka dib markii la xaliyay murankii ka dhashay doorashadii 2007-dii Uhuru waxa uu noqday Ra’iisul wasaare ku xigeen waxaana loo magacaabay Wasiirka Maaliyada.

Waxa uu u muuqday shakhsi ku dadaalaya inuu muujiyo inuu yahay qof cagahiisa ku istaagi kara, maadaama markii hore uu ku soo baxay gacan qabad iyo taageerada madaxweynihii hore ee Moi, wuu isaga baxay xisbigii KANU oo waxa uu uga sii gudbay inuu sameysto isbaheysiga la magac baxay The National Allience (TNA), wuxuuna xulufo la sameystay xisbiyo kale si uu hamigiisa u gaaro.

Waxaa si dhib leh uga badbaaday maxkamadda cadaaladda adduunka ICC oo dacwadi uga furneyd muddo dheer, isagoo ku sigtay in mustaqbalkiisa siyaasadeed uu mugdi galo.

Wargeyska caanka ah ee ka faaloodaa maalqabeenada ee Forbes ayaa sheegay in Uhuru Kenyatta uu ka soo galayo kaalinta 23-aad dadka ugu qanisan qaarada Afrika, waxa uuna wargeysku hantidiisa ku qiyaasay $500 oo milyan oo doolar.

Dhanka kale, Uhuru waxa uu si dhaqsa ah ugu hormarayaa ka ganacsiga iyo maalgashiga warbaahinta. Reerkiisa ayaa waxa ay lee yihiin xarun TV, wargeys iyo dhowr idaacadood oo ka howlgala dalka Kenya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo maanta qaaday tilaabo ka farxisay shacabka Gaalkacyo kadib markii la sameyay…
- Jul 8, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo maanta bilaabay Dayactirka Wadooyinka qaar ee Gaalkacyo kuwasi oo dhibaatooyin ...
SAWIRRO: XOGTII Ugu dambeysay Weerarkii Alshabaab ku qaaday Wasaaradaha Gudaha iyo Amniga (Qasaaraha oo sii kordhay)
- Jul 7, 2018
Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta ...
C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday W/Arrimaha Gudaha kuna baaqay in baaritaan dhab ah laga sameeyo sababta
- Jul 7, 2018
Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta Al-Shabaab ay ...
Akhriso Magacyada Masuuliyiin Dowalda Ka Tirsanaa oo Ku Geeriyooday Weerarka Maanta
- Jul 7, 2018
Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ku bilaawday ee lagu qaaday Xarumaha ...
DEG DEG: Masuul Dowlada hore kaga Tirsanaa oo Qarax lagu dilay
- Jul 7, 2018
Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qorleey, Gobolka Shabeelaha hoose Cusmaan Sheekh Cali  Buraale  ayaa maanta ...
Ciidamo gaar ah oo Howlgalo Badbaadin & Ka Hortag ka dhex wada Xarunta W/Arrimaha Gudaha
- Jul 7, 2018
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo sidda gaarka ah u tababar ayaa howlgal ...
Akhriso:-Wariye Lagu La’aa Qaraxii Maanta Oo La Helay
- Jul 7, 2018
Qarixii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ...
Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyada iyo Weerarka Muqdisho & Ururka Shabaab oo ka hadlay
- Jul 7, 2018
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay ...
Shaqaale Ka Tirsan W/Arrimaha Gudaha oo Geeriyooday Markii ay Iska-Soo Tuureen Dabaqa Wasaaradda
- Jul 7, 2018
Weerar qaraxyo ku bilaawday ayaa lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ...
DEG DEG: Dagaal ka dhex socda Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Qarax kale oo dhacay
- Jul 7, 2018
Qarax kale ayaa goordhow laga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana wali socota rasaas xoogan oo ...
Muxuu Sharcigu ka qabaa Burburinta Hantida Gaarka ah (Warbixin Sharciyeed Xasaasi ah)
- Jul 7, 2018
Waxaa ila haboonaataya in dhinaca sharciga laga fiiriyo amarka bur burinta dhul lagu tilmaamay ...
Alshabab oo isku fidinaya deegaano ka tirsan Konfurta Mudug iyo walaaca shacabka dhibaateysan…
- Jul 6, 2018
Alshabaab ayaa la sheegaya in caawa isku fidiyeen deegaano hor leh oo ka tirsan ...
Ganacsatada uu Amarka ku soo rogay Maamulka Gobolka Banaadir oo War-Cad soo saaray (Aqri)
- Jul 6, 2018
Ganacsatada uu quseeyo amarkii kasoo baxay maamulka Gobolka Banadir ee ku saabsanaa in dowladda ...
Dadkii ka barakacay degaanka Caad oo gaaray Hobyo
- Jul 6, 2018
Qaar ka mid ah dadkii Shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalka degaanka Caad ee ...
Deg deg ah-Galmudug oo ciidan iyo taageero kale u direysa Konfurta Mudug kadib markii Farmaajo u soo diray……
- Jul 6, 2018
Dhamaan saraakiisha amniga sida Taliyaha ciidanka nabadsugida qeybtooda galmudug iyo amaan duulaha qeybta 21aad ...
Warbixin Shacabka Caad yaan Shabaab lagu fiirsan!! (Qormo)
- Jul 6, 2018
Deegaanka Caad ee Koorfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa ka socda Dagaal marba ...
XOG: Yaa ka danbeeyo qorshaha lagu sii deynayo Qalbi dhagax & Xog cusub oo laga helay hanaankiisa sii deynta
- Jun 28, 2018
Inkastoo si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa saacadihii la soo dhaafay la isla ...
Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo goor-dhaw lagu dhaawacay Muqdisho.
- Jun 28, 2018
Koox hubeysan ayaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku dhaawacay Wariye Farxiyo Mire oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda ...
XOG: Qalbi Dhagax oo Xabsiga laga sii deynayo isagoo Masuliyiin Isbedel doon ah ka mid noqonaya
- Jun 28, 2018
Dowlada Itoobiya ayaa la filayaa in xabsiga ka sii deyso Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi ...
XOG: MD Xaaf oo Warqad dacwo ka dhanka RW Kheyre u gudbiyay MD Farmaajo & shirar ka socda Muqdisho
- Jun 28, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf,ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya iney lug leedahay khilaafka ...

.