Gobolada dhexe & Galmudug; dagaal aan dani ku jirin, dadna ku dhimanayaan. | Codkagalmudug isha Laga Helo Wararka Xaqiiqda

Gobolada dhexe & Galmudug; dagaal aan dani ku jirin, dadna ku dhimanayaan.

Dagaalka ka taagan Xeraale; colaadda loo qiildeyayo ee qabanqaabadeedu ka socoto inta u dhexeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb; dadka dhimanaya, kuwa dhaawacmaya iyo hantida burbureysa waxa mas’uul ka ah madaxda maanta ka jirta deegaanadaas.

Madaxweynaha gobolada Dhexe, Sheekh Maxamed Shaakir; oo la hubo in uu aqoon iyo garasho u leeyahay waxa ka dhalan kara dagaal sababa dhimashada  ama dhaawac qofeed, mid hantiyeed, waxa la gudboon in aan la deegsan magaca maamulka gobolka dhexe si loo dilo ama loo burburiyo magaalooyin iyo deegaano hadda dhisan.

madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf; waxa  uu diiday in uu taageero dagaal Galmudug waddo oo lagu qaado Xeraale iyo Dhuusamareeb toona, isagana waxa saaran in uusan iska fadhin ee adeegsado wixii suuragal ah si uu u baajiyo in hoostiisa ay dad ku dhintaan isaga oo ku fadhiya magaca iyo kursiga Galmudug.

labadaas Oday waxa u si shaqsi u saaran lagana yaabo in wax laga weydiiyo mar aan dheereyn dadka ku dhimanaya hoostooda iyaga oo jooga maamulka iyo xilka.

Odayaasha  Cadaado waxa ay dhowaan diideen in Cadaado looga duulo Dhuusamareeb, Xeraale;  iyo xitaa deegaano kale, kadib markii ay dad ka soo jeeda intooda badan Dhuusamareeb iyo Guriceel eek amid ah maamulka Galmudug qaarkood ay soo jeediyeen in la qaado duullaan ka dhan ah maamulka gobolada dhexe, iyaga oo doonaya in ay adeegsadaan magaca Galmudug, waana taas sababta gacan ka hadal ka dhacay cadaado bartimihii bishan Agusto.

http://ezeta.com.ar/index.php?option=com_content Yaa dagaalka Hoggaaminaya, Yaase taageeraya?

Saaddaq Sheekh Yuusuf; guddoomiyaha Baarlamaanka gobolada dhexe

Saaddaq Sheekh Yuusuf; guddoomiyaha Baarlamaanka gobolada dhexe iyo Sheekh Mursal Craxmaan Axmed; Wasiirka awqaafta iyo Diinta ee Galmudug oo ah qaraabo aad isuguu dhow ayaa kala taageeraya 2; jufo hoosaad oo xurguf hoose u dhexeyo, sidaas awgeed ayaa u dagaalka Xeraale u socdaa.

Sheekh Mursal Sheekh Craxmaan Axmed; Wasiirka awqaafta iyo Diinta ee Galmudug

Inta kale waxa ay la kala safan yihiin labadaas Mas’uul oo halkii ay hannaanka dhaqanka iyo Diinta wax ku xallin lahaayeen ka doortay in ay qaadaan dagaal aan ujeeddo muuqata iyo macno lahayn, marka laga reebo in la yiraahdo qolo hebla ayaa gacanta ku dhigtay meel hebla, taas oo u muuqata mid madaxda maamuladaas u horseedi doonta in kama dambeysta loo aqoonsado ugu yaraan qaswadayaal.

see Waa maxay sababtu?

Labada jilib ee ay ka soo kala jeedaan Saaddaq Sheekh Yuusuf; guddoomiyaha Baarlamaanka gobolada dhexe iyo Sheekh Mursal Craxmaan Axmed; Wasiirka awqaafta iyo Diinta ee Galmudug; ayaa iska dilay nin, kaddibna jufadii uu ka dhashay ninka la dilay ayaan ku qancin habka wadahadalka iyo mag kala qaadashada, odayaal jooga Xeraale ayaa u sheegay Mustaqbal Radio; in gebi ahaanba ay odayaasha leh magtaa ninka la dilay ee collaaddu ay diideen qaadashada diyo.

Kadib markii uu dhacay isfaham la’aantaasi ayaa labada jufo ee dhibku u dhexeeyo waxa ay taageero kala weydiisteen Saaddaq iyo Sheekh Mursal; oo ah wiilashoodii oo kala haysta magaca iyo galaangal maamullada gobolada dhexe iyo Galmudug, taas oo u sahashay in ay jilibyada shaqaaqadu u dhexeysaa ay midiba si gaar ah taageero ugu hesho.

Waxa kabaracay Xeraale; colaaddan awgeed dadkii deeganaka qaarkood; kuwaas oo saameyntii abaarta ka dhalatay la ildarnaa, waxa ay tageen bannaanka Xeraale si ay uga warsugaan bal in dagaalko dhammaado

Isha sawirka;  source site Ahmed Wehlie‏

Collaadda Mareergur laga qabanqaabinayo.

Colaaddaas inteeda badan waxa dabada ka riixaya dhallinyaro markoodii hore kamid ahaa maamulkii ASW; kuwaas oo muddo dheer gobolada dhexe kula dagaalamayey xarakada Alshabaab; balse markii uu dhashay maamulka gobolada dhexe kamid noqday garabkii ASW; ee ku biiray Galmudug;  waxa ay dhowr mar soo jeediyeen in xoog iyo dagaal lagu qabsado degmooyinka uu maamulo maamulka gobolada dhexe, balse madaxda maamulka Galmudug intooda badan ma aqbalin soo jeedintaas.

Nin lagu magacaabo macalin Juxjux; oo markiisi hore ahaa macalin dugsi qur’aan ayaa kamid ah dadka qabanqaabinaya dagaal iyo duullaan wata magaca Galmudug oo lagu qaado Dhuusamareeb, waxa uu taageero ka helayaa oo keli ah dhowr qof oo ka soo jeedo Dhuusamareeb iyo Guriceel; kuwaas oo damacsan in ay si xoog ah u qabsadaan degmooyinkaas oo ku jira gacanta maamulka Gobolada dhexe.

Mid kamid ah madaxda gobolada dhexe oo aan weydiinay waxa uu kala socdo dagaalkaas ayaa yiri: Alshabaab waa noo “Alshabaab; Xeraale haka yimaado ama Cadaado haka yimaado”

Ma hubno balse waxa na soo gaartay in macalin Maxamuud Sheekh  Xasan oo kamid ah madaxda maamulka gobolada dhexe uu u sheegay dhallinyarada dagaalada ku jira ee ka tirsan maamulkaas in ay soo baxeyso qolo iyaga qilaafeysa sidaas awgeedna ay tahay lagama maarmaan in lala diriro, taaso oo ka dhigan in macalin Maxamuud Sheekh Xasan; oo intiisa badan jooga dibadda dalka ama Muqdisho uu kamid yahay sababaha ay colaadda iyo deganaansho la’aantu uga taagan tahay deegaanadaas.

Dagaal ay dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay Degmooyinka gobolka Galgaduud ee uu hadda maamulo maamulka gobolada dhexe,  sanadihii 2008-2012; waxa uu u dhexeeyey dagaalkaasi ASW iyo Alshabaab;

Xigasho-Mustaqbal Radio


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Alshabaab oo caawa soo galay deegaano Hoos yimaada Cadaado
- May 9, 2018
Rag katirsan Al Shabaab ayaa caawa lagu arkay gudaha magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud Magaalada ...
Sawiro-Xaaf iyo wasiirka qorsheynta Soomaliya oo kormeeray Halka laga dhisayo dakada Hobyo.
- May 8, 2018
Madaxda maanta soo gaartay ayaa waxaa ay kormeer ay ku tageen Halka laga dhisayo ...
Sawiro-Madax badan oo gaartay Hobyo…
- May 8, 2018
Xarig jarka aargada iyo dhagax dhiga wajiga 2aad ee wadada. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ...
Madaxda Maanta la filayo iney gaaraan Hobyo iyo wararkii ugu dambeyay…
- May 8, 2018
Magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug waxaa saakay  ka socda diyaargarowga munaasabadda xarigga looga ...
XOG: Xaaf Oo Sammeystay Gaashaan Adag Oo Uu Isaga Difaaco Duulaan Kaga Wajahan DFS
- May 8, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf aya sameystay awood aad u sareysa ...
Sawiro laga soo qaaday magalada Hobyo
- May 6, 2018

Raiisul wasaare Xasan kheyre oo Hobyo oo beri ku wajahan….
- May 6, 2018
  Raiisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berito uu gaaro Magaalada ...
Xaaf oo Muqdisho u duulay
- May 6, 2018
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ...
Hobyo Maanta wey Camiran Tahay?
- May 6, 2018
Hobyo Maanta wey Camiran Tahay Magalada Hobyo oo ah isha dhaqalaha Galmudug ayaa saacdihii ugu ...
Dad ku soo dhaawacmay Dagaal ka dhacay Galgaduud oo la gaarsiyay isbitaalka cadaado..
- May 6, 2018
Waxaa xalay isbitaalka guud ee magaalada Cadaado la keenay 13 qofood oo qaba dhaawacyo ...
Sawiro-Xildhibaanada Galmudug oo ansixiyay Dastuurka Baarlamaanka Galmudug…
- May 5, 2018
  xubnaha baarlamaanka galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey Dastuurka Isku dhafka ah ...
Jahwareerkii ugu xooganaa oo haysta Gudoomiye Yariisow & Olalaha Xilka looga qaadayo oo socda…
- May 5, 2018
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Xafiiska shaqada jooga muddo ku siman ...
AKHRISO: Dhaarinta Guddoomiye Mursal Kadib, Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka
- May 3, 2018
Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed ...
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo war Cusub ka soo saaray isku darkii Galmudug iyo Ahlusuna waljeeca..
- Apr 29, 2018

XOG: Sababta uu Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali waayay ciyaarta Finalka Somalia oo la ogaaday
- Apr 29, 2018
Waxaan maanta la filayaa in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ...
XOG CUSUB: Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo Lacago ku Iibsaday Codadka qaar ka mid ah Xildhibaanada
- Apr 29, 2018
Warar hoose oo ay heleyso Codkagalmudug  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan ...
Galmudug oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo iyadoona sheegtay…..
- Apr 28, 2018
Galmudug Waxa Ay Cambaaresay Kana Tacsiyadeesay Weerarkii Qaraxa ah ee Saaka Lagu dilay Taliyihii ...
Deg Deg ah-Qarax ismiidamin ah oo gor dhow ka dhacay Gaalkacyo iyo Taliye lagu dilay…
- Apr 28, 2018
Qarax ismidaamin ah ayaa lala eegtay Taliyaha Ciidanka isku dhafka dowladda Federaalka usoo magacwday ...
Waa Imisa Tirada lacagta kasoo xarootay Diiwaan galinta Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka?
- Apr 26, 2018
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu wado in la doorto 30-ka bishan waxaa isku soo ...
Hubkii laga boobay Xeradii Imaaraadka ee Gen. Gordan oo lagu kala iibsanayo Suuqyada Muqdisho (Wax badan ka Ogoow)
- Apr 26, 2018
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga ...

.