Aamusnaanta Dowladda Dhexe iyo go’aanada Maamul Goboleedyada

Dowladda Dhexe Somaliya, ayaa weli ka aamusan go’aanada isa soo taraya, ee ay Maamul Goboleedyada kula safanayan xulufada Sacuudiga, ee go’doominta geliyay Dowladda Qatar, xilli go’aanadaasi ay liddi ku yihiin mowqifkii dhexdhexaadnimada ee Dowladda Somaliya.

Inta badan Maamul Goboleedyada, ayaa ka horyimid in dhexdhexaad laga noqdo arrintaasi, loona baahan yahay in lala safto Sacuudiga iyo Emirate-ka Carabta, haddii sida ay sheegeen ay dadka Somaliyeed wax badan u qabteen.

Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, ayaa qaadacay mowqifka dhexdhexaadnimada ee Villa Somalia, waxayna ku sheegeen mid aan iyagu waxba laga weydiin.

Iyadoo Dastuurka uu ku cadyahay in Dowladda Dhexe ay u madax bannaan tahay siyaasadda arrimaha dibadda, haddii ay noqon laheyd dalalka deriska iyo kuwa kalaba, ayay hadana dowladdii noqotay mid juuqda gabtay.

Shacabka Somaliyeed oo ka walaacsan in la mucaarado mowqifka dowladda, ayaa la’ aaminsan yahay inay Madaxda Qaranka ku taageeri lahaayen go’aankooda, haddii ay waxba kama jiraan ku sheegi lahaayen go’aanada khalafsan ee Maamul Goboleedyada.

Qodobo dastuuri ahi, ayaa qeexaya inay tahay in Dowladda Federaalka looga dambeeyo difaaca dalka, muwaadinimada iyo go’aanada arrimaha dibadda, ayna tahay midda keliya ee awoodda u leh inay mowqif ka qaadan karto.

Qodobka 54-aad ee Dastuurka wuxuu leeyahay “In awoodda arrimaha dibadda, difaaca, muwaadinimada iyo lacagta ay iska leedahay Dowladda Federaalka Somaliya.”

Dadka odoroso siyaasadda Somaliya, ayaa waxay qabaan in Emirate-ka uu u qalab qaatay, sidii uu khilaaf kaga dhex bilaabi lahaa Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada, haddii ay dowladiisu diiday inay taageerto go’doominta dowladda yar ee Qatar.

Sacuudiga, Emirate-ka, Masar & Baxrayn, ayaa saluugay hankii Villa Somalia ay ku diiday in Wadamada Carbeed ee is haya, ay garab ka mida la safato, waxayna Somaliya sheegtay inay ku biireyso dalalka ka shaqaynaya, sidii wadamadaasi la isugu keeni lahaa.

Waxaa wax lala yaabo noqotay sababta ay afartaasi dal u kala qub qubayaan Somaliya, maadaama ay jiraan dalal kale oo dhexdhexaad ka noqday xiisadda Khaliijka, hadana aysan ugu samaynin wax fara-gelin ah


Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG: R/wasaare Kheyre oo Beri Dalka ka Ambabaxaya, kana soo Horjeestay Amarkii Farmaajo
- Feb 24, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa ...
Meydad hor leh oo saakay laga helay agagaarka Xarunta Madaxtooyada
- Feb 24, 2018
Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay ...
Daawo-Warbixin Dhalinyaro reer Galmudug oo heerar waxbarshada Soo Dhameystay ayaa Gaalkacyo ka furay school loogu tala Galay…
- Feb 24, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=3QfD-tS-eSU&feature=youtu.be
XOG Cusub: Ciidamada DFS oo heegan la geliyay, Weeraro laga cabsi qabo & Bartilmaameedka Cusub ee Shabaab oo…
- Feb 24, 2018
Kadib Weerarkii ay Kooxda Shabaab caawa ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli jira ...
Ilaalada Senator Caan ah oo lagu dilay iyo Qaar lagu la’yahay Weerarkii Alshabaab (Aqri)
- Feb 24, 2018
Senator Cabdi Dhuxulow Dheg-dheer oo kamida xildhibaannada caanka ah ee Golaha Aqalka sare ee ...
Ciidamada NISA iyo Kuwa AMISOM oo Caawa ku dagaalamay Muqdisho (Maxay tahay Sababta?)
- Feb 24, 2018
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya iyo ...
SAWIRRO: Meydadka Shabaabkii caawa weeraray Villa Somalia oo lasoo bandhigay & Khasaaraha oo la ogaaday
- Feb 24, 2018
Qaraxyo iyo Rasaas xoogan ayaa caawa siyaabo kala duwan waxa ay uga dhaceen Agagaarka ...
Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyada iyo Rasaasta ka dhaceysa Muqdisho
- Feb 23, 2018
Dhawaqa rasaas ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur ...
DEG DEG: Qarax labaad oo dhacay iyo Rasaas xoogan oo caawa ka socda Muqdisho
- Feb 23, 2018
Qarax labaad ayaa waxa uu goordhow ka dhacay inta u dhexeysa Tiyaatarka iyo Wasaarada ...
DEG DEG: Qarax Xooggan Oo Ruxay Muqdisho Iyo Rasaas Socota
- Feb 23, 2018
Goor dhow aaxa la maqlay qarax aad u xooggan, kaasi oo ka dhacay magaalada ...
Daawo-Waa Sidee Xaalada Amaan ee Deeganada Galmudug kadib heshiiskii ….
- Feb 23, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=b0JiPtADSQ4
Daawo-Maxaa ku soo kordhay Hobyo
- Feb 23, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=FkWRikSlg_U&feature=youtu.be
La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado
- Feb 21, 2018
   Wadahadalaadaan Dib uheshiisiinta ah   ee lagu dhexdhexaadinayo   Dhinacayada  Beela ku dagaalamay  Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud   ayaa waxaa  Garwadeen ka ...
XOG: RW Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo shir qarsoodi ah yeeshay & Xiisadii oo xal laga gaarayo
- Feb 21, 2018
Kiiska weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhaliyey xiisad siyaasadeed iyo ...
Daawo Barakacayaasha ku nool Magaalada Hobyo oo laga Farxiyay
- Feb 21, 2018
Iyadoo Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ay ku nool yihiin Boqolaal Qoys oo ...
XOG: MD Xaaf oo Warqad rasmi ah u gudbiyay madaxweyne Farmaajo & mashaariicdii uu amray oo
- Feb 21, 2018
 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in si ...
Mas’uul MD Farmaajo u diray Cadaado oo Qorshe Cajiib ah la soo baxay & Shacabka oo ka hadlay
- Feb 21, 2018
  Wadahadaladaan Dib u heshiisiinta ah ee lagu dhex dhexaadinayo Dhinacayada  Beeloku dagaalamay  Deegaano ka tirsan ...
Sheikh Maxamed Shaakir oo balan ku qadaay intaan la gaarin 2020 Shabaab ciribtirayan
- Feb 21, 2018
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay ...
DHAGEYSO: Xiisad ka taagan Magaalada Cadaado & Ciidamo Jidgooyo dhigtay Afaafka hore ee Xarunta Degmada
- Feb 21, 2018
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka magaaladaasi ay ...
XOG: Wasiiro & Xildhibaano ku Qasbaya Gudoomiyaha G/Banaadir inuu Xilal u Magacaabo dad ku Qabiil ah
- Feb 21, 2018
Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug  ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Xildhibaano ay ...

.