Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee Arrimaha Khaliijka, Miisaaniyada 2018 iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaalada amniga guud, sheegeyna in hay’adaha amniga ay laba jibaarayaan howlgalada xasilinta, shacabkana laga codsaday inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka loo nabadeyn lahaa. Maanta oo ah maalintii nabadda, caalamkana u dabaaldegayo, ayaa Golaha Wasiiradu waxey ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in nabada la wada ilaashado, horumarka dhanka amnigana u baahanyahay in la wada xajisto.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa Golaha Wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowladeed, ka dibna Golaha Wasiiradu iyagoo tixgelinaya xaalada dalku ku sugan yahay ayaa waxey isla garteen arrimahan ku aadan mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka Carabta:

1.Golahu waxay si adag u ayideen mowqifkii Dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017-ka ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.

2.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guuleysatay wadashaqeynta Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu dambeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

3.Sida ku cad qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, Dowlada Federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

4.Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo marwalba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee Heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

Golaha Wasiirada ugu dambeyntii ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyada ee ku aadan Miisaaniyada 2018-ka iyadoo la isku raacay isu-diyaarinta iyo hab-raaca nidaamka Maaliyadeed ee keeni kara isla xisaabtan, hufnaan iyo maamul wanaag.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Jawaari oo si Kulul uga hadlay Arinta Qudus & Amar uu faray Guddiga A/Dibadda ee Baarlamaanka
- Dec 11, 2017
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul ...
Sawiro-Madaxweynaha Galmudug oo cadaado ku laabtay isagona ka hadlay qorshihiisa ku aadan….
- Dec 11, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta dib ugu ...
Miinooyin Laga Soo Saaray Garoonka Kubada Cagta Banaadir Oo Galabta Ciyaar Ka Dhici Laheyd
- Dec 11, 2017
Ciidamada Xasilinta iyo kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa wxa ay baaritaano ka sameeyeen Garoonka Kubadda ...
DEG DEG: Al shabaab oo Gubay Gawaari Badeeco siday
- Dec 11, 2017
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari badeeco ...
DIGNIIN: Caano carruur aad loo isticmaalo oo la ogaaday in ay sumeysan yihiin
- Dec 11, 2017
Shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Lactalis ee samaysa caanaha carruurta ayaa amartay in dib ...
Sawiro-Madaxda ugu sareysa Galmudug oo kulan is cafin ah ku yeeshay Muqdisho iyo Sheikh Shaakir oo ku baaqay…..
- Dec 10, 2017
Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay hogaamiyaha maamulka ahlusuna Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ...
Madaxda Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug”Sawiro”
- Dec 10, 2017
Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka ...
DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Gabdho Dhimirka la’ ku kufsaday Garacad
- Dec 10, 2017
Wararka ka imaanaya degaan Xeebeedka Garacad oo  ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ...
XOG: Ciidamadii qaadi lahaa dagaalka uu iclaamiyay Farmaajo oo Xero ku Bahdilan
- Dec 10, 2017
Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xero duleedka ka ...
DEG DEG: Weerar ka dhacay Gobolka Baay oo lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab
- Dec 10, 2017
Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay ...
DEG DEG: Banaanbax ka socda Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye, Sababta oo la ogaaday
- Dec 10, 2017
 Waxaa saaka hakad ku jira Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyada oo Wadayaasha ...
XOG: Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo Xildhibaanada Puntland
- Dec 10, 2017
Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ka horyimid xubno gaaraya 7 oo uu magacaabay madaxweynaha ...
XASAASI: Sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Somaliya oo is casilay
- Dec 10, 2017
Elizabeth Shackelford,ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda aysan muhiimadda siin Afrika ...
XOG: Qaar ka mid ah wejiyada cusub ee kasoo muuqan doona Golaha Wasiirada cusub
- Dec 10, 2017
Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in 3 Wasiir oo kamid ahaa xukuumaddii ...
Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in Xilal uu siinayo Ahlu sunna, Ogow sababta
- Dec 10, 2017
Wasiirka Bay’ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Kariin Nuur Xasan ayaa waxaa uu ka hadlay ...
(Deg Deg ah-Sawiro)Wafdi ka socda UNka oo gaaray dhuusamareeb kuwasi oo si deg deg ah uga jawaabi doona……
- Dec 9, 2017
wafdigaan oo isugu jira engineero iyo madax kale oo UN kasocda ayaa waxaa garoonka ...
XOG: Khilaafkii Madaxda Al shabaab oo sii Xoogeystay & Hogaamiyaha ugu sareeya oo Dil lagu xukumay
- Dec 9, 2017
Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug.com ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Al shabaab Axmed ...
XOG: Shaqsiga ku qasbay Trump inuu Qudus u aqoonsado Caasimada Israa’iil oo la ogaaday
- Dec 9, 2017
Sheldon G. Adelson  oo ah Ganacsade Yuhuud ah islamarkaana ah Bilyaneer ayaa $20 Milyan ...
Tiiceey oo dib u helay Xoriyadiisa
- Dec 9, 2017
Tiiceey oo dib u helay Xoriyadiis Madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan ...
Dhageyso:-Maxaa La Gudboon Baarlamaanka Galmudug Kadib Heshiiskii Ahlusuna? (Warbixin
- Dec 9, 2017
Xilli dhawaan Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay heshiis ku gaareen Magalada Muqdisho ayaa waxa ...

.