AKHRISO;- Warmurtiyeed;- Dhiibista Qalbi Dhagax; & Farmaajo oo Lagu Edeyey….. | Codkagalmudug isha Laga Helo Wararka Xaqiiqda

AKHRISO;- Warmurtiyeed;- Dhiibista Qalbi Dhagax; & Farmaajo oo Lagu Edeyey…..

WARBIXINTA BAARLAMANKA EE QALBI DHAGAX!

KA BAARAANDAGIDDA IYO QIIMEYNTA QADIYADDA

1. Xiriirka arrintan la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka Maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u fufinta iyo dib usoo nooleynta Qarannimadii Soomaaliya, waxaa dowladda ku waajib ah in ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga qaranka, xasilinta xaaladaha iyo nabadeynta dalka. Sida aan ka wada warqabno, Siyaasadda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku saleysantahay nabad kuwada noolaanshada dadweynaha Gobolka Geeska Afrika, iyo dunida kale guud ahaan, iyo gaar ahaan ilaalinta siyaasadda daris wanaagga.

Mabaadii’daas oo aan sinaba u ogolaaneyn in marnaba la aqoonsado ama gabbaad la siiyo urur hubeysan oo liddi ku ah jiritaanka qarannimada ama ammaanka, xasiloonida iyo nabadgelyadadalka ama waddamada dariska ah.

2. Habraaca loo dhiibay Cabdikariim ma waafaqsanyahay shuruucda dalka

Keddib markaan aragnay dhammaan Dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay tan iyo xorriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aaddan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, Guddiga waxaa usoo baxday in dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hay’adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka.

3. Ururuka ONLF ma yahay urur argagixiso ah.

i. Guddiga Baaris keddib waxaa usoo baxday in caalamka uusan u aqoonsaneyn ONLF, aysanna ahayn Urur Argagixiso ah maadaama aanay ku jirin liiska argagixisada Caalamiga ah.

ii. Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyana kama mid aha in ay aqoonsato ama gabbaad siiso jabhad ama ururro hubeysan oo duullaan ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka dalka iyo Waddamada dariska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

QARAAR: TALOBIXIN IYO TOOSIN

Haddaba, Guddigu waxa uu Golaha sharafta leh usoo jeedinayaa inuu ansixiyo talooyinka iyo toosinta soo socota.

1. Xukuumadda waxaa la farayaa in dhakhso uga hawlgasho soojeedinta hindise sharciyeedka ku xusan Lifaaqa D Farqada, (5) ee Dastuurka Federaalka, oo ilaa iyo hadda la dejin, loona baahanyahay in la horkeeno Barlamaanka Federaalka.

2. Ilaa iyo inta sharciga isu-celinta eedeysanayaasha laga meelmarinayo, waxaa arrimaha u abbaaran isu-celin eedeysanayaal lagu maamulayaa si waafaqsan xeerka ciqaabta u degsan Soomaaliya; Xeer Lr.5 ee 16-ka Disembar, 1962-dii iyo hab-raaca xeer ciqaabta u degsan Soomaaliya; Xeer Lr. 1 ee 1-dii Juun, 1963-dii.

3. Xukuumadda Federaalka waxaa la farayaa in ay taxadar dheeraad ah muujiso markasta oo ay maareynayso hawlaha arrimaha xasaasiga ah, hawlfulinteeduna hubiso in ay hor iyo horraan hesho xog sugan keddibna u fuliso si waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

4. In Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyso heshiisyadii hore loo galay si loo dhameystiro, loona waafajiyo hab-raaca sharci-dejinta Dalka.

5. In hay’adaha amniga, gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ka fogaadaan in ay bixiyaan xogo aan sugneyn oo aan si fiican looga baaraandegin.

6. Guddigu wuxuu Golaha Shacabka usoo jeedinayaa in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khalkhal amniga, in si wadajir ah looga wada shaqeeyo wax kasta oo inaga khaldama.

7. Guddigu wuxuu kaloo Golaha Shacabka usoo jeedinayaa in arrin kasta oo xasaasi ah loo xalliyo sida ay ku jirto wanaagga guud iyo daryeelidda danta Qaranka.

8. Sidoo kale Guddigu wuxuu Golaha Shacabka iyo dhammaan Hay’adaha Dowladda usoo jeedinayaa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soocelinta sharafta iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Guddigu markii uu qiimeeyay xogta uu ka helay madaxda uu wareysiga la yeeshay waxaa usoo ifbaxay in mucaahadooyinka caalamiga ah oo ay Soomaaliya qeybta ka tahay aan aad looga warqabin. Saa daraadeed Guddigu waxa uu ku talinayaa in ay lagama maarmaan tahay in lasoo aruuriyo dhammaan mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo tan iyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada si ay go’aan qaadashadooda ugu sugnaato uguna fududaato. Sidoo kale in la galiyo baraha Internet-ka si dadweynaha iyo ciddii kale oo daneynaysana si ay si fudud xog ogaal ugu noqdaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




buy generic prednisone Alshabaab oo caawa soo galay deegaano Hoos yimaada Cadaado
- May 9, 2018
Rag katirsan Al Shabaab ayaa caawa lagu arkay gudaha magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud Magaalada ...
source Sawiro-Xaaf iyo wasiirka qorsheynta Soomaliya oo kormeeray Halka laga dhisayo dakada Hobyo.
- May 8, 2018
Madaxda maanta soo gaartay ayaa waxaa ay kormeer ay ku tageen Halka laga dhisayo ...
go Sawiro-Madax badan oo gaartay Hobyo…
- May 8, 2018
Xarig jarka aargada iyo dhagax dhiga wajiga 2aad ee wadada. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ...
Madaxda Maanta la filayo iney gaaraan Hobyo iyo wararkii ugu dambeyay…
- May 8, 2018
Magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug waxaa saakay  ka socda diyaargarowga munaasabadda xarigga looga ...
XOG: Xaaf Oo Sammeystay Gaashaan Adag Oo Uu Isaga Difaaco Duulaan Kaga Wajahan DFS
- May 8, 2018
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf aya sameystay awood aad u sareysa ...
Sawiro laga soo qaaday magalada Hobyo
- May 6, 2018

Raiisul wasaare Xasan kheyre oo Hobyo oo beri ku wajahan….
- May 6, 2018
  Raiisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta berito uu gaaro Magaalada ...
Xaaf oo Muqdisho u duulay
- May 6, 2018
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ...
Hobyo Maanta wey Camiran Tahay?
- May 6, 2018
Hobyo Maanta wey Camiran Tahay Magalada Hobyo oo ah isha dhaqalaha Galmudug ayaa saacdihii ugu ...
Dad ku soo dhaawacmay Dagaal ka dhacay Galgaduud oo la gaarsiyay isbitaalka cadaado..
- May 6, 2018
Waxaa xalay isbitaalka guud ee magaalada Cadaado la keenay 13 qofood oo qaba dhaawacyo ...
Sawiro-Xildhibaanada Galmudug oo ansixiyay Dastuurka Baarlamaanka Galmudug…
- May 5, 2018
  xubnaha baarlamaanka galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyey Dastuurka Isku dhafka ah ...
Jahwareerkii ugu xooganaa oo haysta Gudoomiye Yariisow & Olalaha Xilka looga qaadayo oo socda…
- May 5, 2018
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Xafiiska shaqada jooga muddo ku siman ...
AKHRISO: Dhaarinta Guddoomiye Mursal Kadib, Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka
- May 3, 2018
Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed ...
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo war Cusub ka soo saaray isku darkii Galmudug iyo Ahlusuna waljeeca..
- Apr 29, 2018

XOG: Sababta uu Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali waayay ciyaarta Finalka Somalia oo la ogaaday
- Apr 29, 2018
Waxaan maanta la filayaa in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ...
XOG CUSUB: Kheyre iyo Fahad Yaasiin oo Lacago ku Iibsaday Codadka qaar ka mid ah Xildhibaanada
- Apr 29, 2018
Warar hoose oo ay heleyso Codkagalmudug  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan ...
Galmudug oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo iyadoona sheegtay…..
- Apr 28, 2018
Galmudug Waxa Ay Cambaaresay Kana Tacsiyadeesay Weerarkii Qaraxa ah ee Saaka Lagu dilay Taliyihii ...
Deg Deg ah-Qarax ismiidamin ah oo gor dhow ka dhacay Gaalkacyo iyo Taliye lagu dilay…
- Apr 28, 2018
Qarax ismidaamin ah ayaa lala eegtay Taliyaha Ciidanka isku dhafka dowladda Federaalka usoo magacwday ...
Waa Imisa Tirada lacagta kasoo xarootay Diiwaan galinta Musharaxiinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka?
- Apr 26, 2018
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu wado in la doorto 30-ka bishan waxaa isku soo ...
Hubkii laga boobay Xeradii Imaaraadka ee Gen. Gordan oo lagu kala iibsanayo Suuqyada Muqdisho (Wax badan ka Ogoow)
- Apr 26, 2018
Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga ...

.