Wadayaasha ayaa sababta ku sheegaya in waddada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye la soo dhigay jidgooyooyin kale oo lacago badan looga qaado Gaadiidka adeegsada waddadaas.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale dhigaya dibadbax iyaga oo ka cabanaya dhibaatada ay kala kulmaan Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Boqolaal qof ayaa maalin  waliba isaga kala goosha Waddadan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee Muqdisho ka baxa waxaana ay aaddaa Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo Khudaarta iyo xoolahaba ay ka soo galaan Magaalada Muqdisho.

Jidgooyooyinka cusun ayaa la dhigay degaanka Lafoole oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas  oo uu ka arrimyo maamyul hoostaga Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wadayaasha gaadiidka oo soo dhigtay Baabuurtooda meelo kala duwan, ayaa wadada laamiga ah waxa ay ka dhigayaan Banaanbax cabasho ah oo ku aadan jidgooyooyinka cusub ee wadada la soo dhigay.