Horumarinta dhulkeennu waa hal aan tabeynay

Ugu horreyn waxaan u mahad celinayaa allah SW oo inagu galladay diinteenna suuban ee islaamka , waxayna nabad gelyo iyo naxariisi u sugnaatay rasuulkeenna muxammed SCW .

Marka xigta waxaan aad ugu faraxsanahay hiigsiga horumareed ee ka hillaacaya dhulkeenna hooyo oo in ka badan rubuc qarni hoy u noqday dagaallo sokeeye .

Mudadii uu dalkeennu burbursanaa dhalinyaradu waxay noqdeen baasiin loo adeegsado hurinta colaad kasta oo dalkeenna ka dhacday, xilligaasi oo uu dagaal ooge kastaa hubeeyay boqollaal gaashaan qaad oo ay isku hayb yihiin si ay uga qayb qaataan xasuuqii berigaa dalka ka socday, dhibaatadani ma haysato oo keliya dhalinyarada soomaaliyeed laakiin waxay haysataa dhamaan dhalinyarada caalamka, oo madaxweynihii maraykanka Hebert Hoover oo xilka hayay intii u dhexaysay sanadihii (1929-1933) wuxuu isagoo arinkaani ka hadlaya yiri(OLDER MEN DECLARES WAR BUT IT IS YOUTH THAT MUST FIGHT AND DIE) oo micneheedu yahay {Odeyaashu dagaalka ayay iclaamiyaan halka ay dhalinyaradu yihiin kuwa dagaalamaya ee dhimanaya}

Laakiin waxaa ilaahay mahadiis ah in ay maanta dhalinyarada soomaaliyeed garowsadeen awoodda iyo kartida ay u leeyihiin horumarinta dhulkooda, waxaana inta badan magaalooyinka soomaaliyeed laga hirgeliyay mashaariic horumarineed oo ay hogaaminayaan dhalinyaro soomaliyeed oo si iskood ah isu xilqaamay .

Bilowgii bishii november ee sanadkan waxaa duleedka magaalada gaalkacyo lagu daahfuray urur ay hormuud ka yihiin dhalinyaro isku howshay horumarinta dhulkooda hooyo waxaana ururkaas loogu magac bixiyay horseedkii horumarka mudug .

Bilowgii hore dad farabadan ayaa waxqabadka ururkaan ka qalgodsanaa, oo waxay filayeen inuu la mid noqondoono ururo dhowr ah oo horey loo hirgeliyay un asi aanan lagu arag waxqabad muuqda oo ay soo bandhigeen .

Laakiin marka laga tusaale qaato mudadii yarayd ee uu ururkaani jiray iyo waxqabadka la taaban karo ee ay dhalinyaradani qabteen, waxa aynu dhihi karnaa mudnaantoodu waa dhiirigalin iyo taageero-la garab istaag .

Hadii aynu u weecanno xagaa iyo maamulka, ururada aanan faaido doonka ahayn(non profit organizations) waa kuwo ka caqabado badan ururada kale ee faaido doonka ah, weyna kala sahlantahay inaad maamusho urur faaido doon ah iyo mid aanan faaido doon ahayn,sababtuna waa in ururada ka shaqeeya horumarinta bulshadu ay la falgalayaan dad farabadan oo leh dabeecado kala duwan kuwaasi oo ay adag tahay inaad ku qanciso waxqabadkaaga iyo hiigsiga uu ururku ku taamayo, tiiyo ay intaasi jirto waxaa ururka (HHM) horyaalla caqabado farabadan oo ay tahay inay kaga gudbaan karti iyo indheer garadnimo, waayo talaabo kasta waxaa horyaalla caqabad xitaa ururkii (SYL) oo ka shaqaynayay xornimo-gaarsiinta soomaaliya wuxuu la kulmay caqabado badan oo kaga yimid dad soomaali ah laakiin waxay ku dhaafeen karti iyo hogaan fiican.

Howlaha horumarineed ee ay dhalinyaradu ka bilaabeen magaalada gaalkacyo waa kuwo kusoo beegmay xilligii loo baahnaa, waana hal aan tabaynay oo hamuun qabnay, nasiib ayaana ku leenahay inaan arinkaasi la kowsano.

Ugu dambayn hadal waa kii kooban ee kaalin gala, waxaan bulshada reer gaalkacyo ugu baaqayaa in aysan qaniinin asi ay taageero la garab istaagaan dhalinyaradaan isku xilqaantay horumarinta deegaanka iyo dhamaan ururada dhalinyarada ee magaalada ka jira kuwaasi oo ka shaqeeya horumarinta degaanka, dhinaca kale dhalinyarada ku bahoobay ururka horseedkii horumarka mudug waxaan ku boorinayaa in aysan noqon ” Naylo-jaliye” lagu hungoobo asi ay noqdaan kuwo dhiiran oo daacad ka ah howsha ay qabanayaan .

W/Q = Abdiwali Shafie Sheikh Hassan


Fikradaha Akhristayaasha (0)




DEG DEG: Xiisada oo sii Xoogeysatay & Somaliland oo Ciidamadii ugu badnaa geysay Ceel Afweyn
- Jan 22, 2018
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dagaal shalay labo beeleed ku dhexmaray degaanka ...
Faa’iso oo Fariin Qiiro leh usoo dirtay Thaabit ka dib markii xilka laga qaaday
- Jan 22, 2018
Faa’iso ayaa waxaa xabad kaga dhuftay qeybta hoose ee jirkeeda askari ka tirsanaa Maamulka ...
XOG BUUXDA: Shaqsiyaadka loo kala Magacaabi doono Wasaaradaha Warfaafinta, Amniga & Ganacsiga, Tuuryare oo ku jira
- Jan 22, 2018
Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug ayaa sheegaya in Dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ...
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalo ka dhacay Sool & Ku dhawaad 20-ruux oo Geeriyootay
- Jan 22, 2018
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in dagaallo u abaabulan qaab beeleed ...
XOG: Hotelada Muqdisho oo Warqado loo qeybiyay & Ciidamada Nabad sugida oo Waji cusub lasoo baxay
- Jan 22, 2018
Xog gaara oo ay heshay Codkagalmudug  ayaa sheegeysa in Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ay ...
WAR CUSUB: In Ka Badan 300 oo Qoys oo Habeenkii Hurdo la’aan ku heyso Muqdisho
- Jan 22, 2018
  In ka badan 300 oo qoys oo ka soo bara -kacay abaaraha ka jira ...
Akhriso Wararkii ugu dambeeyay Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Hobyo
- Jan 22, 2018
Sida qorshaha uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta oo ...
XOG CUSUB: Qorshihii Iscasilaada R/wasaare Kheyre oo War lama filaan ah laga soo saaray
- Jan 22, 2018
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug ayaa sheegeysa in qorshihii iscasilaada Ra’iisul wasaaraha ...
War Cusub:- Taabid oo Aqbalay Xilka Qaadista iyo R/Wasaare Kheyrre oo Difaac galay
- Jan 22, 2018
Gudoomiyahii hore  Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo lahadlay warbaahinta ayaa ...
Warar Cusub oo ka soo kordhacay Magaalada Cadaado ee Galmudug
- Jan 22, 2018
Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado Ee Caasimadda Labaad ee Dowladda Galmudug ayaa sheegaya in ...
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Galmudug oo Maanta tagaya Magaalada Hobyo
- Jan 22, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Sare ee Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ...
Afar qalad oo waaweyn oo ku jiro xil ka qaadistii lagu sameeyey Thaabit
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo saaray qoraal xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ...
Billow illaa Dhammaad: Heerarka Uu Soo Maray Khilaafka Thabit iyo Dowladda Federaalka
- Jan 21, 2018
Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime ...
Aqriso: Shaqsiyaadkii Xilalka laga qaaday & kuwii iscasilay Xukuumadda Kheyre
- Jan 21, 2018
Tan iyo markii la magacaabay Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya waxaa soo maray isbedelo kala ...
XOG CUSUB: Kulamo Muqdisho ka socda & Beelaha daga oo isku yimid
- Jan 21, 2018
Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Codkagalmudug  ayaa sheegeya in kulamo ay ka socdaan ...
XOG CUSUB: Kheyre oo Wasiiro badan Xilalka ka qaadaya & Xiisad ka dhex jirta Xukuumada
- Jan 21, 2018
Xog gaara oo ay heshay Codkagalmudug  ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane ...
Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoonka Cusub ee saakay loo magacaabay Gobolka Banaadir
- Jan 21, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Banaadir Taabit ...
Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Magaalada Hobyo
- Jan 21, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ...
Deg Deg ah-Gudoomiyaha Gobolka banaadir oo gor dhow la magacabay
- Jan 21, 2018
WAR DEG DEG AH:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Iyo Ku Xigeennadiisa Wareegto kasoo ...
Golayaasha Degmooyinka G/Banaadir Guddoomiye Caawa u doortay Taabit Cabdi Maxamed [SAWIRRO]
- Jan 20, 2018
Waxaa caawa kulan deg deg ah oo ka dhacay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar ...

.