Faduma oo ka shekeysay arrin fool xun ay kula keceen Shabaab iyo HIV laga helay

Haweeney kasoo baxsatay AlShabaab ayaa ka sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaasho dawooyin daroogo ah isla markaana loogu galmood si adoonsi ah keynta Boni ee dalka Kenya.

Faduma “ma ahan ma ahan mageceeda saxda ah” waxa ay sheegtay iyada iyo haween kale oo la heystay in marar badan ay kufsadeen ugu yaraan 6 nin shantii sano ay heysteen Al­Shabaab.

Waxa ay sheegtay in si joogto ah loo goodi jiray in la dilayo gaar ahaan markii dagaalyahanada Shabaabka ah ay dagaal kala kulmaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.

“Haweenka xerada jooga cunada ayay kariyaan dharkana wey u dhaqaan mitidiinta iyo howlaha kale ee ah waajibaadka guriga, dagaalyahanada had iyo jeer jir ahaan iyo galmo ahaan weyna fara xumeeyaan, qaar kamid ah mitidiinta weyna garaacaan hadii aysan jecleysan waxyaabaha aan u karino taas oo intabadan aniga igu dhacday iyadoo aanan aqoon karinta Canjeerada Somalida taasoo ay door bidi jireen mitidiinta” ayay tiri.

Faaduma oo kasoo baxsatay Mitidiinta sanad kahor ayaa saraakiisha ammaanka uga sheekeysay sida loogu qasbay inay isticmaalaan daawooyinka uurka looga hortago ama ay ilmaha iskaga soo ridaan marka ay uurka yeeshaan.

“Galmada iyo dhibaatooyinka jirka ayaa aad u darnaa markii maleeshiyaadka ay kasoo laabtaan dagaalada ay la galaan ciidamada AMISOM.

“Wey cabayaan waxana ay qaadanayaan dawooyin habeen iyo maalin, hadii ay u dabaal degayaan ama dilka ciidamo Somali ah ama AMISOM ama ay u baroor diiqayaan kuwo iyaga ka dhintay, waa markaas marka ay dhacaan kufsiyada” ayay tiri Faaduma iyadoo ilmeyneysa.

Kahortaga Uurka Waxa ay shegtay inaysan xisaab lahayn inta mar ee la kufsaday laguna qasbay inay isticmaasho daawooyinka kahor taga uurka balse waxay Faaduma intaas ku dartay in haweenka la heysto ee guursaday taliyayaasha loo ogolaaday inay heystaan caruurta, waxaa jiray ku dhawaad 15 caruur ah oo ku sugnaa xerada ku taal keynta Boni” ayay tiri Faaduma.

Waxay ku dhalatay Xaafada Majengo ee magaalada Nairobi, Faaduma oo ah hooyo heysata laba caruur ah ayaa sheegtay in arrintaan ay biloowday 7 sano kahor kadib markii ay kala tageen seygeedii ay isqabeen laba sano.

Rajo la’aan ah noloshana kali ku ah, Faaduma oo heerka 9­deedaad uga tagtay waxbarashada isla markaana leh 9 walaalo ah, waxay u baahneyd inay xanaaneyso labadeeda wiil, waxay ka shaqeyn jirtay dhaqidda dharka iyo howlaha kale ee guryaha ay dadka u qaban jirtay si ay u helaan nolol.

Wiil ay dhinaca hooyada dhalshada ku wadagaan oo magiciisa lagu soo gaabiyay Dogo kana soo jeeda Lamu ayaa ku dhiiri galiyay inay ku biirto Al­Shabaab isagoo u balan qaaday inay sameyneyso lacag fiican.

Si fudud ayay ku aqbashay qorshaha uu u soo bandhigay waxayna kula biirtay Lamu kadib markii ay labadeeda wiil ay kaga tagtay hooyadeed.

Balse tagitaankeeda xerada Al­Shabaab ee Somalia, wexey aad ula yaabtay in shaqadooyinkeedii ay ka fogyihiin waxa uu Dogo ku wargaliyay inay ahaanayaan.

Waxay ku sifeeysay nolol faraxumeyn ah maalin walbo iyo jirdil maskaxeed oo ka jira xerada Al­Shabaab.

Waxay tilmaamtay inay ahayd maxbuus intabadana lagu qasbi jiray inay isticmaasho Daroogo gaar ahaan nooca halista badan ee heroin, Marijuana iyo Rohypnol oo si guud ay sheegtay inay u isticmaalaan Al­Shabaab iyo sidoo kale Jaad.

“Haddii aad nasiib leedahay, taliye ayaa xaas kaa dhigan lahaa taasina waxay ka hortagi lahayd in maleeshiyaadka kale ay ku xoogaan, balse kuwa xaasaska laga dhigto waa Somali kaliya,” ayay tiri Faaduma.

Faaduma ayaa ka baxsatay xerada Al­Shabaab iyadoo caawin ka heleysa nin oday ah kadib markii dagaalyahanadii heystay ay dagaal la galeen ciidamada AMISOM.

Sadex kale oo saaxiibadeed ah oo lagu heystay xerada ayaa sidoo kale ka cabsaday inay baxsadaan.

Kadib maalmo ay isku qarineysay Duurka waxay doonyo usocday Kenya ka hor inta aysan xirin laamaha ammaanka Kenya kuwaas oo dib usii daayay kadib markii ay su’aalo weydiiyeen baaritaan caafimaadna marsiiyeen.

Sanad kadib laabashadeeda Faduma ayaa si murugo loo ogaaday inay qabto HIV iminkana qaadaneysa daawooyin kahortag ah iyadoo sidoo kale laga dabiibayo cudurka Tiibishada.

Caafimaadkeeda ayaa ka dhigay xaalada dhaqaaleheeda mid xun.

Waxaa laga mamnuucay lagana dhex saaray bulshadeeda sababtana ma, ahan oo kaliya inay ku biirtay Al­Shabaab balse sidoo kale inay qabto cudurka HIV­ga.

Sida lagasoo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka ee wax ka qabanaya shaqsiyaadka kasoo laabta Al­Shabaab, ayaa Bulshada intabadan kuwargaliyay inay iska ilaaliyaan xaasaska Al­Shabaab Carmalooyinka ama caruurta raga lagu tuhunsanyahay inay ku lug leeyihiin falal aragagixiso iyo sidoo kale haweenka u shaqeeya Al­Shabaab.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo maanta qaaday tilaabo ka farxisay shacabka Gaalkacyo kadib markii la sameyay…
- Jul 8, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo maanta bilaabay Dayactirka Wadooyinka qaar ee Gaalkacyo kuwasi oo dhibaatooyin ...
SAWIRRO: XOGTII Ugu dambeysay Weerarkii Alshabaab ku qaaday Wasaaradaha Gudaha iyo Amniga (Qasaaraha oo sii kordhay)
- Jul 7, 2018
Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta ...
C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday W/Arrimaha Gudaha kuna baaqay in baaritaan dhab ah laga sameeyo sababta
- Jul 7, 2018
Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii Qaraxyada ahaa ee maanta Al-Shabaab ay ...
Akhriso Magacyada Masuuliyiin Dowalda Ka Tirsanaa oo Ku Geeriyooday Weerarka Maanta
- Jul 7, 2018
Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ku bilaawday ee lagu qaaday Xarumaha ...
DEG DEG: Masuul Dowlada hore kaga Tirsanaa oo Qarax lagu dilay
- Jul 7, 2018
Gudoomiyihii hore ee Degmadda Qorleey, Gobolka Shabeelaha hoose Cusmaan Sheekh Cali  Buraale  ayaa maanta ...
Ciidamo gaar ah oo Howlgalo Badbaadin & Ka Hortag ka dhex wada Xarunta W/Arrimaha Gudaha
- Jul 7, 2018
Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo sidda gaarka ah u tababar ayaa howlgal ...
Akhriso:-Wariye Lagu La’aa Qaraxii Maanta Oo La Helay
- Jul 7, 2018
Qarixii lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu saameyn ...
Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxyada iyo Weerarka Muqdisho & Ururka Shabaab oo ka hadlay
- Jul 7, 2018
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay ...
Shaqaale Ka Tirsan W/Arrimaha Gudaha oo Geeriyooday Markii ay Iska-Soo Tuureen Dabaqa Wasaaradda
- Jul 7, 2018
Weerar qaraxyo ku bilaawday ayaa lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ...
DEG DEG: Dagaal ka dhex socda Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Qarax kale oo dhacay
- Jul 7, 2018
Qarax kale ayaa goordhow laga maqlay Magaalada Muqdisho, waxaana wali socota rasaas xoogan oo ...
Muxuu Sharcigu ka qabaa Burburinta Hantida Gaarka ah (Warbixin Sharciyeed Xasaasi ah)
- Jul 7, 2018
Waxaa ila haboonaataya in dhinaca sharciga laga fiiriyo amarka bur burinta dhul lagu tilmaamay ...
Alshabab oo isku fidinaya deegaano ka tirsan Konfurta Mudug iyo walaaca shacabka dhibaateysan…
- Jul 6, 2018
Alshabaab ayaa la sheegaya in caawa isku fidiyeen deegaano hor leh oo ka tirsan ...
Ganacsatada uu Amarka ku soo rogay Maamulka Gobolka Banaadir oo War-Cad soo saaray (Aqri)
- Jul 6, 2018
Ganacsatada uu quseeyo amarkii kasoo baxay maamulka Gobolka Banadir ee ku saabsanaa in dowladda ...
Dadkii ka barakacay degaanka Caad oo gaaray Hobyo
- Jul 6, 2018
Qaar ka mid ah dadkii Shacabka ahaa ee ka barakacay dagaalka degaanka Caad ee ...
Deg deg ah-Galmudug oo ciidan iyo taageero kale u direysa Konfurta Mudug kadib markii Farmaajo u soo diray……
- Jul 6, 2018
Dhamaan saraakiisha amniga sida Taliyaha ciidanka nabadsugida qeybtooda galmudug iyo amaan duulaha qeybta 21aad ...
Warbixin Shacabka Caad yaan Shabaab lagu fiirsan!! (Qormo)
- Jul 6, 2018
Deegaanka Caad ee Koorfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa ka socda Dagaal marba ...
XOG: Yaa ka danbeeyo qorshaha lagu sii deynayo Qalbi dhagax & Xog cusub oo laga helay hanaankiisa sii deynta
- Jun 28, 2018
Inkastoo si rasmi ah loo shaacin hadana waxaa saacadihii la soo dhaafay la isla ...
Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo goor-dhaw lagu dhaawacay Muqdisho.
- Jun 28, 2018
Koox hubeysan ayaa goor-dhaw magaalada Muqdisho ku dhaawacay Wariye Farxiyo Mire oo ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda ...
XOG: Qalbi Dhagax oo Xabsiga laga sii deynayo isagoo Masuliyiin Isbedel doon ah ka mid noqonaya
- Jun 28, 2018
Dowlada Itoobiya ayaa la filayaa in xabsiga ka sii deyso Cabdikariim Sheeq Muuse Qalbi ...
XOG: MD Xaaf oo Warqad dacwo ka dhanka RW Kheyre u gudbiyay MD Farmaajo & shirar ka socda Muqdisho
- Jun 28, 2018
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf,ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya iney lug leedahay khilaafka ...

.