Billow illaa Dhammaad: Heerarka Uu Soo Maray Khilaafka Thabit iyo Dowladda Federaalka

Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime ku xigeenkii Villa Somalia ayaa April 6, 2017 waxaa uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho.

3dii bil ee ugu horreysay waxaa aad u fiicnaa xiriirka guddoomiye Thabit iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, Thabit waxaa uu ka qeyb-geli jiray shirka khamiis kasta yeeshaan golaha wasiirrada halka ra’iisul wasaare Kheyrre uu si joogta ah u tagi jiray xarunta maamulka gobolka, xafladaha isla qaban-qaabin jireen, illaa markii dambe labada nin isku dhaceen.

Haddaba, Inta aanan ka hadlin isku dhaca ra’iisul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Thabit  bal aan wax yar ka hadalno, waxyaabaha uu Thaabit Cabdi qabtay 9kii bil ee uu  xafiiska joogay.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu soo kordhiyay siyaasad maaliyadeed oo sax ah uu gobolka yeesho, sida halka ay maaliyadda gobolka marto, waxaa kale uu account u baddalay lacagtii mushaarka ee shaqaalaha gacanta ku qaadan jireen, tiiyoo keentay in hay’adaha deeqda bixiya ay mar kale aaminaan xafiiska gobolka Banaadir.

Hay’adda Bangiga Adduunka tusaale ahaan, waxaa ay maal-gelisay in muddo lix biloodna ah ay lacag siiso illaa kun dhallinyaro ah oo gobolka Banaadir shaqo abuur u sameeyay, waxaa kale oo jira mashaariic dib loogu howl-geliyay Iskuullo iyo goobol kale oo hay’ado kale lacagta bixiyeen.

Muddaddii uu Thaabit Cabdi guddoomiyaha ahaa waxaa la dhisay 4 waddo oo kala aha: 30-ka, Kaaraan, Kaahiye iyo Gen. Daa’uud, waxaa kale oo uu sameeyay daadejin maamul oo waxaa si fiican u shaqeyn jiray agaasimayeyaasha iyo degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa intaas dheer mushaarka waxaa ay shaqaalaha u qaadan jireen si joogta ah.

Khilaafka Thaabit iyo dowladda Federaalka Ah:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi  ma ahayn nin nasto, sababta shaqada looga ceyriyay qofba meel ayuu la aadi karaa sida khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaaraha, lacagta dekadda, maqaamka Muqdisho, amniga gobolka, hankiisa siyaasadeed, xiriirkiisa mucaaradka ama xitaa arrimo dhul, laakiin waxaa xaqiiq ah in uu ahayn nin meel fadhiya.

Heerarka Khilaafka:

Lacagta Dekadda:  Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu damcay madaxbannaani maamul iyo mid maaliyadeed in uu ka hirgeliyo gobolka, isaga oo marka hore golaha wasiirrada ka codsaday in la kordhiyo miisaaniyadda uu ka helo dekadda Muqdisho oo halkii ay ka ahayd 15% laga dhigo 25% taas oo isjiid-jiid badan gashay.

Maqaamka Muqdisho: Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi oo ka hadlay furitaanka kalfadhigga 2aad ee golaha shacabka July 8, 2017 halkaasi uu joogay sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu yiri “Go’aanka Maqaamka magaalo madaxda Muqdisho iyo soo saarista sharciyadeeda gaarka ah waxa uu dusha u saaran yahay golaha shacabka xildhibaannada  sharafta leh ee maanta aan horjoogno, annaga waxa aan geed dheer iyo mid gaaban aan u fuushannahay in aan wadatashi baaxaad leh la yeelano, reer Muqdisho waa dad dulqaad badan oo jecel dowladda oo bixiya canshuurta waxa ay codsanayaan in gacan laga siiyo sidii ay u dhisan lahaayeen maqaamka dastuuriga ee loo oggolyahay magaalada madaxda Soomaalida” sidaasi ay tahay arrintaasi waa laga diiday in uu dhaqaajiyo, waxaana loo arkay nin awood raadis ah.

Amniga Banaadir: Thaabit oo xiganaya xeer NO 2 sanadkii 1963 ee sheegaya

in hay’adaha amniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka gobolka ayaa xukuumadda marar badan ka dal-baday in la hoos keeno ammaanka gobolka Banaadir isaga oo soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda”  oo booliiska iyo nabad-sugidda ay xog uga heli karaan shacabka Muqdisho tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo, qorshahaasi waa laga diiday.

Damac Siyaasadeed:  Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu waqti badan ku bixiyay in uu u muuqdo shakhsi qaban kara labada jago ee dalka ugu sarreysa, waxaa uu xiriir fiican la yeeshay beelaha dega Muqdisho, isaga oo ku xirmay odoyaasha iyo siyaasiyiinta.

Is fahamka Mucaaradka:  Dhacdadii December 17 lagu weeraray hoyga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa uu ka mid ahaa dadkii gacan ka geystay soo deyntiisa, taasi oo lagu tiriyay in aanu ka raalli ahayn wixii dhacay.

December 30, 2017, Markii la weeraray guriga Cabdi-qeybdiid waxaa uu booqday guriga isaga oo yiri“Waxaan aad ugu xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay qoyska & Hoyga Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid), wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharci-darro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba-ddayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale ciddii amarkaas bixisay”.

Iyada oo Thaabit mucaaradka is fahmeen ayuu madaxweynaha safar ugu baxay gobollada bariga iyo bartamaha dalka, xitaa Thabit waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka qeyb-galay heshiiskii Dhuusa-mareeb ee Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Xiisadda Cusub:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa qoraal uu dorraad soo saaray lagu sheegay in uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

Hadaba, habeen hore xilli saq-dhexe ah ayuu Thabit Cabdi isugu yeeray saxaafadda isaga oo damacsanaa in uu iscasilo, laakiin odayaal la shiray ayaa ka dhaadhiciyay in uu go’aankiisa baddalo, waxaana arrintaasi ka dambeysay in xalay January 20, 2018 xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay shir-weyne  la sheegay in looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Banaadir, shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubno ka socda 3.5-ka deggan xamar oo isgu jira goleyaasha degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa ay Thabit si KMG ah ugu doorteen inuu sii hayo xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada 2da sano ee soo socota, iyada oo muddadaasi laga sii shaqeyn-doono maqaamka, lana dar-dar-gelin doono isku-duubnida bulshada iyo horumarinta adeegyada dadweynaha, laakiin looguma sugin oo saaka ayaa shaqada laga eryey, waxaana booskiisa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Eng, Cabdiraxmaan Yarisow.

Ugu dambeyntii, lama saadaalin karo waxa xiga, laakiin waxaa muuqata in dowladda ay ka dhammaatay Thabit Cabdi, isagana ma aamusi-doono oo galaan-gal ayuu wadaa, waqtigana waa marqaati ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




XOG: R/wasaare Kheyre oo Beri Dalka ka Ambabaxaya, kana soo Horjeestay Amarkii Farmaajo
- Feb 24, 2018
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa ...
Meydad hor leh oo saakay laga helay agagaarka Xarunta Madaxtooyada
- Feb 24, 2018
Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay ...
Daawo-Warbixin Dhalinyaro reer Galmudug oo heerar waxbarshada Soo Dhameystay ayaa Gaalkacyo ka furay school loogu tala Galay…
- Feb 24, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=3QfD-tS-eSU&feature=youtu.be
XOG Cusub: Ciidamada DFS oo heegan la geliyay, Weeraro laga cabsi qabo & Bartilmaameedka Cusub ee Shabaab oo…
- Feb 24, 2018
Kadib Weerarkii ay Kooxda Shabaab caawa ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli jira ...
Ilaalada Senator Caan ah oo lagu dilay iyo Qaar lagu la’yahay Weerarkii Alshabaab (Aqri)
- Feb 24, 2018
Senator Cabdi Dhuxulow Dheg-dheer oo kamida xildhibaannada caanka ah ee Golaha Aqalka sare ee ...
Ciidamada NISA iyo Kuwa AMISOM oo Caawa ku dagaalamay Muqdisho (Maxay tahay Sababta?)
- Feb 24, 2018
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya iyo ...
SAWIRRO: Meydadka Shabaabkii caawa weeraray Villa Somalia oo lasoo bandhigay & Khasaaraha oo la ogaaday
- Feb 24, 2018
Qaraxyo iyo Rasaas xoogan ayaa caawa siyaabo kala duwan waxa ay uga dhaceen Agagaarka ...
Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyada iyo Rasaasta ka dhaceysa Muqdisho
- Feb 23, 2018
Dhawaqa rasaas ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur ...
DEG DEG: Qarax labaad oo dhacay iyo Rasaas xoogan oo caawa ka socda Muqdisho
- Feb 23, 2018
Qarax labaad ayaa waxa uu goordhow ka dhacay inta u dhexeysa Tiyaatarka iyo Wasaarada ...
DEG DEG: Qarax Xooggan Oo Ruxay Muqdisho Iyo Rasaas Socota
- Feb 23, 2018
Goor dhow aaxa la maqlay qarax aad u xooggan, kaasi oo ka dhacay magaalada ...
Daawo-Waa Sidee Xaalada Amaan ee Deeganada Galmudug kadib heshiiskii ….
- Feb 23, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=b0JiPtADSQ4
Daawo-Maxaa ku soo kordhay Hobyo
- Feb 23, 2018
https://www.youtube.com/watch?v=FkWRikSlg_U&feature=youtu.be
La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado
- Feb 21, 2018
   Wadahadalaadaan Dib uheshiisiinta ah   ee lagu dhexdhexaadinayo   Dhinacayada  Beela ku dagaalamay  Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud   ayaa waxaa  Garwadeen ka ...
XOG: RW Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo shir qarsoodi ah yeeshay & Xiisadii oo xal laga gaarayo
- Feb 21, 2018
Kiiska weerarkii lagu qaaday Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee dhaliyey xiisad siyaasadeed iyo ...
Daawo Barakacayaasha ku nool Magaalada Hobyo oo laga Farxiyay
- Feb 21, 2018
Iyadoo Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ay ku nool yihiin Boqolaal Qoys oo ...
XOG: MD Xaaf oo Warqad rasmi ah u gudbiyay madaxweyne Farmaajo & mashaariicdii uu amray oo
- Feb 21, 2018
 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in si ...
Mas’uul MD Farmaajo u diray Cadaado oo Qorshe Cajiib ah la soo baxay & Shacabka oo ka hadlay
- Feb 21, 2018
  Wadahadaladaan Dib u heshiisiinta ah ee lagu dhex dhexaadinayo Dhinacayada  Beeloku dagaalamay  Deegaano ka tirsan ...
Sheikh Maxamed Shaakir oo balan ku qadaay intaan la gaarin 2020 Shabaab ciribtirayan
- Feb 21, 2018
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay ...
DHAGEYSO: Xiisad ka taagan Magaalada Cadaado & Ciidamo Jidgooyo dhigtay Afaafka hore ee Xarunta Degmada
- Feb 21, 2018
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka magaaladaasi ay ...
XOG: Wasiiro & Xildhibaano ku Qasbaya Gudoomiyaha G/Banaadir inuu Xilal u Magacaabo dad ku Qabiil ah
- Feb 21, 2018
Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Codkagalmudug  ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Xildhibaano ay ...

.