XOG: Shirkado Isbiirsaday oo Fadeexad lagu helay & Dhibaato xoogan oo ay ku hayaan shacabka Muqdisho

Waxaa sii kordhaaya cabashooyinka laga qabo shirkada Sahal oo qaabilsan Gaadiidka dadka geeya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Shirkadan ayaa la soo warinayaa inay dhibaatooyin badan ku heyso dadka musaafiriinta ah, iyadoo Xukuumada Somalia ashtakooyin badan kadib ay sheegtay in dib u eegis lagu sameynaayo Heshiiskii ay la gashay shirkada.

Ashtakooyinka ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay yihiin in ciidamada fadhiya afafka hore ee Garoonka ay dhaqaale ku siiyaan qabashada iyo jir dilka dadka musaafuriinta ee aan iska bixinkarin lacagaha kuwaa oo cagahooda maala.

Mid kamid ah dadka safarada galay ee dacwada gudbiyay ayaa sheegay in isagoo aan heysan dhaqaale uu ku raaco gaadiidka loogu goodiyay in laga raabayo diyaarada haddii aanu bixin lacagta Baska ee lagu geynaayo gudaha Garoonka.

Dadka ugu badan ee musaafuriinta ayaa sidoo kale ay ka tagtaa diyaarada iyadoo sababta ugu weyn lagu sheegay inaanu jirin farqi u dhexeeya raacista basaska iyo gaadiidka raaxada ee sida gaarka ah ay u wataan musaafuriinta.

Dhibaatooyinka ay shacabka ku qabaan Shirkada ayaa waxaa kamid ah in askarta dowlada ee sida hoose dhaqaalaha ugu qaata shirkada kana howlgala afafka Garoonka ay jir dil iyo hanjabaado u geystaan dadka aanu awoodin dhaqaalaha lagu raaco basaska ee Isgooyska KM4 ilaa Garoonka soo maala cagtooda.

Dhibaatooyinka ka dhashay wada shaqeynta hoose ee ka dhexeysa Shirkada Sahal iyo Ciidamada qaabka laaluushka loo siiyo lacagaha lagu dabo shacabka musaafuriinta ayaa waxaa kamid ah in March 28, 2017 Askari ka tirsan kuwa Garoonka uu toogasho ku dilay Haweeney musaafur aheyd kadib markii ay iska bixin weyday lacagta baska lagu raaco.

Askariga oo ay u muuqato lacagta laaluushka ayaa dhowr xabadood ku dhuftay Haweeneyda kadib markii ay diiday inay dib ugu laabato isgooyska KM4 oo ay kasoo lugeysay, waxaana lagu amray inay iska soo bixiso lacagta baska oo aysan xiligaa heyn.

Sidoo kale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Oomaar) oo ka duulaaya cabashooyinka cusub ee laga qabo shirkada Sahal ayaa sheegay inay ka qaadan doonaan go’aan. Oomaar waxa uu sheegay inay dib ugu laaban doonaan Heshiiska ay Xukuumadu la gashay shirkada, waxa uuna dhankiisa ka qiray inay jiraan cabashooyinfarabadan.

Haddii ay Xukuumadu indhaha ka qabsato ficilada ay ku kacdo shirkada Sahal ayaa waxaa suuragal ah inay ka dhashaan fal celin, maadaama shirkadu tahay mid ay ku midooben Ganacsato ku tiirsanaa dowladii hore.

Si kastaba ha ahaatee, shaqooyinka shirkada ayaa waxaa dhibaatooyin intaa kasii badan ku qaba dadka xamaalatada ah ee noloshooda kasoo saarta qaadista boorsooyinka iyo alaabada kale ee musaafuriinta.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dakeda Muqdisho Oo Shaqo Bilowday Xiliyada Habeenkii Ah + Sawirro
- Aug 12, 2018
Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu ...
XOG: Xasan Sheekh oo hoggaamiye u noqonaya Mucaaradka Dowladda Farmaajo, kuna soo jeeda Muqdisho
- Aug 12, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
SAWIRO:DHAGEYSO:-G/kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Buqaari oo Xariga Kajaray Maktabada Cadaado
- Aug 12, 2018
Furitaan Maktabadaan oo Ay Ka Faa,iidaysandoonaan Dhalin Yaradu Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Masuuliyiin ...
Daawo Sawiradda :- Quruxda Badan ee Magalada Guri Ceel
- Aug 9, 2018
         
Deg Deg ah-Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo shaqa joojin lagu sameyay..
- Aug 9, 2018
DEG-DEG: Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka ...
Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo digniin ka soo saaray Gaalkacyo kadib markii la sameyay….
- Aug 9, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayaa Bilaabay Furista Wadooyin xiran ee ku Yaalla Magalada Gaalkacyo kuwasi ...
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.
- Aug 8, 2018
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ...
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan
- Aug 7, 2018
Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay. Dad ka ...
DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose
- Aug 7, 2018
Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose ...
Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey
- Aug 7, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ...
Israsaaseyn Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo warar soo baxaya..
- Aug 7, 2018
  Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib ...
Faah faahin Alshabaab oo Dad ku Xir xiray Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug
- Aug 7, 2018
Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo ...
Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay
- Aug 6, 2018
  Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid ...
Mas’uuliyiin Katirsan Galmudug State Oo Fadeexad Lugaha La Galay
- Aug 6, 2018
Maamulka Galmudug ayaa hadda wajahaya Fadeexad Xubno katirsan Maamulkaasi oo sameeyey khalad weyn oo ...
Xog Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan..
- Aug 6, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku howlan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee ...
AKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
- Aug 6, 2018
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya ...
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay
- Aug 6, 2018
Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ...
War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Duleedka Baydhabo
- Aug 6, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay Ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu hadda ka ...
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla
- Aug 6, 2018
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay ...
XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)
- Aug 6, 2018
Warar hoose oo ay heleyso  codkagalmudug ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu ...

.