Hubkii laga boobay Xeradii Imaaraadka ee Gen. Gordan oo lagu kala iibsanayo Suuqyada Muqdisho (Wax badan ka Ogoow)

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ugu yaraan 600 oo hub ayaa laga xaday todobaadkii hore xeradii imaaradku ay ku tababarayeen Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya ee General Gorod taa oo ku taala Dagmada Hodon Ee Gobalka Banaadir.

Hubka la xaday oo suuqa lagu kala iibsaday ayaa waxa uu isugu jiraan qoryo cusub oo AK47 Ah iyo qoryo fudfud oo dowladda Shiinaha ay soo saartay, waxaana xerada ka soo saaray oo banaanka ku iibinayay ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya oo Imaaradka ka helay tababarada Military, saddex qof oo soo iibsaday hubkaasi sharci darrada ah ayaa la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Wakaalada Reuters ayaa aragtay Shaqsiyaad soo iibsaday hubka, kuwaa oo sheegay in ciidamada ay ka soo gateen, waxaana ay si yasmo ku jirta u sheegeen in hubka ay ka soo iibsadeen ciidamada dowlad isku sheegga.

Khabiir dhanka hubka ah ayaa sheegay in arintan ay salka ku heyso khilaafka labada dale e Imaaradka Iyo Soomaaliya.

“ ku dhawaad 600 ilaa 700 oo ah qoryaha AK-47 iyo qoryo kale ayaa laga soo xaday xeradii Tababarka Imaaradka intii ay socotay israsaaseen u dhaxeysay ciidamo kawada tirsan Dowladda” sidaasi waxaa sheegay Jaamac Cali oo kamid ah dadka hubka iibsaday islamarkaana la hadlay Reuters.

Cali ayaa sheegay in hubka uu ku iibsaday 700$, waxaana uu xusay in qiimo dhimis loo sameeyay marka loo eego qiimaha uu hadda joogo Qorayga AK47-ka oo ah 1,350$, waxaana shaqsiyaadkii qoryaha ka gatay ciidamada Dowladda ay sii iibinayeen 1,000$, sida uu hadalka u dhigay cali oo u waramay wakaaladda Reuter.

Xasan Abuuja oo isna kamid ah dadka hubka iibsaday ayaa yiri “ maalinta ugu wanaagsan ee hubka laka iibsan karo waa marka ciidamada dowladda dhexdooda ay is dagaalayaan, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in qiimaha hubka iyo rasaasta ay ahaayeen kuwo qaali ah markii hore.

Ciidamada Tababarka ka helay Imaaradka ayaa bilaabay in ay hubka ka xadaan xeradii lagu tababaray oo saraakiishii Imaaradku ka baxeen iyagoo joojiyay howlihii tababar , ciidamada ayaa si toos ah iyo si suuq madoow ah ku iibinaya hubka oo dalka ay soo galisay dowladda Isutaga Imaaradka Carabta.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka General Cabdi wali Jaamac Gorod oo isniintii la hadla wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamo doonayay ineey la baxaan hubka in gacanta lagu dhigay halka qaarkoodna ay baxsadeen kadib dagaal dhexmaray ciidamada Militray-ga iyo kuwii imaaradku tababareen isagoo xusay in baaritaano kadib la horkeeni doono cadaaladda.

Ciidamada Tababarka ka helay Dowladda Imaaradka ayaa hadda hadda loogu yeero ciidamada Mucaaradka.

Dad deegaanka ah oo ka ag dhaw xaruntii ciidamada Imaaradku ku tababaray ayaa sheegay in Ciidamadu ay iska badalayeen Dareeska ciidan iyagoo hubka ku rarayay mootada saddex lugooleyda ama Bajaajta waxaana qoryahooda ay u saarnaayeen dhabta.

Habeenimadii Axadda aheyd ee Todobaadkan Markab ku laga leeyahay Imaaradka ayaa dekadda Muqdisho ka shareecday kaa oo lagu daabulay qalabkii yiilay Xaruntii Imaaradku ku tababaray Ciidamada Dowladda, Kunteenaro hub ah, tobanaan kamid ah gawaarida gaashaaman iyo boqolaal gawaari ayaa lagu daabulay markab Imaaradka ugu xernaa Dekadda Muqdisho, sida wakaaladda Reuters uu u sheegay Shaqaale dekadda Muqdisho ka howlgala.

Dowladda Imaaradka ayaa soo afjartay barnaamijkoodii tababarista ciidamada dowladda 15-kii April xili maalmo ka hor ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen malaayiin doller oo imaaradku ka soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Soomaaliya Iyo Imaaradka ma doonayaan xal deg deg ah oo lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya, sidaasi waxaa yiri Rob Malley oo ah Madaxa Kooxda Dhibaatooyinka Caalamka


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dakeda Muqdisho Oo Shaqo Bilowday Xiliyada Habeenkii Ah + Sawirro
- Aug 12, 2018
Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu ...
XOG: Xasan Sheekh oo hoggaamiye u noqonaya Mucaaradka Dowladda Farmaajo, kuna soo jeeda Muqdisho
- Aug 12, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
SAWIRO:DHAGEYSO:-G/kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Buqaari oo Xariga Kajaray Maktabada Cadaado
- Aug 12, 2018
Furitaan Maktabadaan oo Ay Ka Faa,iidaysandoonaan Dhalin Yaradu Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Masuuliyiin ...
Daawo Sawiradda :- Quruxda Badan ee Magalada Guri Ceel
- Aug 9, 2018
         
Deg Deg ah-Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo shaqa joojin lagu sameyay..
- Aug 9, 2018
DEG-DEG: Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka ...
Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo digniin ka soo saaray Gaalkacyo kadib markii la sameyay….
- Aug 9, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayaa Bilaabay Furista Wadooyin xiran ee ku Yaalla Magalada Gaalkacyo kuwasi ...
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.
- Aug 8, 2018
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ...
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan
- Aug 7, 2018
Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay. Dad ka ...
DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose
- Aug 7, 2018
Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose ...
Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey
- Aug 7, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ...
Israsaaseyn Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo warar soo baxaya..
- Aug 7, 2018
  Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib ...
Faah faahin Alshabaab oo Dad ku Xir xiray Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug
- Aug 7, 2018
Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo ...
Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay
- Aug 6, 2018
  Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid ...
Mas’uuliyiin Katirsan Galmudug State Oo Fadeexad Lugaha La Galay
- Aug 6, 2018
Maamulka Galmudug ayaa hadda wajahaya Fadeexad Xubno katirsan Maamulkaasi oo sameeyey khalad weyn oo ...
Xog Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan..
- Aug 6, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku howlan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee ...
AKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
- Aug 6, 2018
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya ...
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay
- Aug 6, 2018
Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ...
War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Duleedka Baydhabo
- Aug 6, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay Ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu hadda ka ...
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla
- Aug 6, 2018
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay ...
XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)
- Aug 6, 2018
Warar hoose oo ay heleyso  codkagalmudug ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu ...

.