AKHRISO: Dhaarinta Guddoomiye Mursal Kadib, Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isaga oo lagu wado inuu guda-galo shaqo howleedka golaha shacabka iyo fulinta barnaamijkiisa siyaasadeed.

Haddaba, akhristayaasha waxaa la xusuusinayaa khudbaddii uu Mursal ka horjeediyay golaha shacabka April 26, 2018, isaga oo xilligaasi ahaa murashax ayuu golaha soo hordhigay barnamij ay tahay inay kula xisaabtammaan fulintiisa sanadaha soo socda.

Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka:

  1. Ku Dhaqanka Dastuurka Dalka Iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka: Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu khudbadii murashaxnimada ku ballan-qaaday inuu u hoggaansami-doonno dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka iyo in howlaha galaha shacabka noqdaan kuwoo waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.
  2. Dhameystirka Howlaha Golaha Shacabka: Waxaa Maxamed Mursal ballan-qaaday sidii loo dhameystiri lahaa howlaha qabyada u ah baarlamaanka sida ansixinta xeerarka muhiimka u ah xukuumadda iyo ka miro-dhallinta in dalku nidaam doorasho oo xor ah si shacabka Soomaaliyeed u go’aansadaan in talada dalka ay u doortaan shakhsigii ay doonaan.
  3. Ilaalinta Xasaanadda Golaha Shacabka JFS: Maxamed Mursal waxaa uu sheegay inuu ilaalin-doonno xasaanadda dhammaan xubnaha golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in aanu ogolaan-doonin in lagu xad-gudbo karaamada xildhibannada golaha shacabka dhinac kasta sida uu qabo qodobka 70aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah: sida ilaalinta karaamada, codka, aragtidooda iyo soo-jeedintooda si waafaqasan dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka.

 

  1. Daryeelka Caafimaadka Xildhibaannada Iyo Qoysaskooda: Maxamed Mursal waxaa uu Xildhibaannada u sheegay inuu ka shaqeyn-doonno sidii xildhibaannada u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyaga iyo qoysaskooda iyo inuu ku dadaali-doonno inay xildhibaannada helaan daryeel caafimaad oo joogta ah iyaga oo kuwa hadda xanuunsanna ay heli-doonaan gurmad caafimaad oo degdeg ah, waxaa kale oo uu ka hadlay in xildhibaannada heli-doonaan xuquuqdooda gaar ah sida mushaaraadkooda iyo waxa kale ee ay xaqa u leeyihiin.
  2. Ixtiraamka awoodaha golaha shacabka ee JFS: Maxamed Mursal waxaa uu khudbadiisa ku ballan-qaaday inuu ixtiraami-doonno awoodaha uu golaha leeyahay sida dejinta sharciyada iyo ansixintooda, la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dalka sida uu qabo qodobka 69aad, faqradiisa 1aad xarafka “A” ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in golaha shacabka uu leeyahay awood sharci-dejin kaas oo ah inuu ansixiyo, wax ka badalo ama diido sharciyada la horkeenno iyo ixtiraamka awoodaha kale ee dheeriga ah ee golaha shacabka ee ku xusan isla qodobkaas, faqraddiisa 2aad xarafka“B” ee dastuurka KMG ah kaas oo qeexaya awoodda la xisaabtanka iyo korjoogteynta ee hey’adaha dowladda heer qaran gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqan-gelinta sharciyada dalka.
  3. Wada-shaqeynta Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn dhow la yeelan-doono xubnaha kale ee guddoonka golaha iyo guddoomiyeyaasha guddiyada golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in maamulka golaha iyo howlihiisa noqon-doonaan kuwoo ku saleysan wada-shaqeyn iyo la tashi iyo in go’aannada la xiriira maamulka noqon-doonaan kuwoo ay isku waafaqsan yihiin xubnaha guddoonka si looga baaqsado inay dhacdo isku dhex-yaac dhinaca maamulka ah.
  4. Iskaashiga Golaha Shacabka, Golaha Aqalka Sare Iyo Gololayaasha Shacabka Ee Maamul Goboleedyada Dalka: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu xiriir dhow la yeelan-doonno aqalka sare ee dalka iyo goleyaasha shacabka ee maamul goboleedyada, xiriirkaas oo noqon-doonno mid ku saleysan wada-shaqeyn iyo iskaashi si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla.
  5. Wada-shaqeynta Golaha Shacabka Ee Hey’adaha kale ee Dowladda: Maxamed Mursal waxaa uu khudabdiisa ku ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn la yeelan-doonno dhammaan hey’adaha dowliga ah si waafaqsan dastuurka KMG ah ee JFS, isaga oo sheegay in uu la socon-doono shaqada fulinta si loo hubiyo inay shacabka helaan adeegyadii ay dowladda ka sugayeen.
  6. La-socodka Dareenka Shacabka Soomaaliyeed: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu la socon-doonno dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo inuu xubnaha ku baraarujin-doonno waxa shacabka rabaan, maadaama sida uu sheegay baarlamaanku yahay mid matala guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo golaha la wadaagi-doonna cabashooyin ay Shacabka Soomaaliyeed qabaan si golaha uga doodaan isla markaana looga qaado tallaabooyin ku haboon si waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka.
  7. Xoojinta Xiriirka Dibadda Ee Golaha Shacabka JFS: Maxamed Mursal waxaa uu kaloo ballan-qaaday inuu xoojin-doonno xiriirka golaha shacabka la leeyahay baarlamaannada caalamka, dar-dar-gelinta dib u dhiska xarumaha golaha shacabka iyada oo la raacayo heshiisyadii horay loo galay

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dakeda Muqdisho Oo Shaqo Bilowday Xiliyada Habeenkii Ah + Sawirro
- Aug 12, 2018
Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu ...
XOG: Xasan Sheekh oo hoggaamiye u noqonaya Mucaaradka Dowladda Farmaajo, kuna soo jeeda Muqdisho
- Aug 12, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
SAWIRO:DHAGEYSO:-G/kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Buqaari oo Xariga Kajaray Maktabada Cadaado
- Aug 12, 2018
Furitaan Maktabadaan oo Ay Ka Faa,iidaysandoonaan Dhalin Yaradu Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Masuuliyiin ...
Daawo Sawiradda :- Quruxda Badan ee Magalada Guri Ceel
- Aug 9, 2018
         
Deg Deg ah-Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo shaqa joojin lagu sameyay..
- Aug 9, 2018
DEG-DEG: Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka ...
Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo digniin ka soo saaray Gaalkacyo kadib markii la sameyay….
- Aug 9, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayaa Bilaabay Furista Wadooyin xiran ee ku Yaalla Magalada Gaalkacyo kuwasi ...
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.
- Aug 8, 2018
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ...
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan
- Aug 7, 2018
Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay. Dad ka ...
DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose
- Aug 7, 2018
Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose ...
Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey
- Aug 7, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ...
Israsaaseyn Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo warar soo baxaya..
- Aug 7, 2018
  Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib ...
Faah faahin Alshabaab oo Dad ku Xir xiray Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug
- Aug 7, 2018
Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo ...
Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay
- Aug 6, 2018
  Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid ...
Mas’uuliyiin Katirsan Galmudug State Oo Fadeexad Lugaha La Galay
- Aug 6, 2018
Maamulka Galmudug ayaa hadda wajahaya Fadeexad Xubno katirsan Maamulkaasi oo sameeyey khalad weyn oo ...
Xog Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan..
- Aug 6, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku howlan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee ...
AKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
- Aug 6, 2018
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya ...
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay
- Aug 6, 2018
Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ...
War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Duleedka Baydhabo
- Aug 6, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay Ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu hadda ka ...
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla
- Aug 6, 2018
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay ...
XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)
- Aug 6, 2018
Warar hoose oo ay heleyso  codkagalmudug ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu ...

.