Warbixin Shacabka Caad yaan Shabaab lagu fiirsan!! (Qormo)

Deegaanka Caad ee Koorfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxaa ka socda Dagaal marba marka ka danbaysa sii Xoogaysana oo u dhaxeeya Shacabka Xoola dhaqato ah iyo Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, ayadoo marka horaba usan Aqligaagu yeeli karin in Bulsho Xoola dhaqato ah ay Dagaaal qaatay waqti ku dhow 72 saac kula jiraan Al-shabaab oo u babacdhiga Dowladdo is bahaystay oo Diyaarado wata, waxaa xanuun kale leh Ujeedku ay Al-shabaab ula dagaalayaan dad reer guuraa ah!

Dagaalka ayaa dhashay kadib markii Jihaadiyiin ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo kasoo kicimay Degmada Xarar-dheere ee isla Gobolka Mudug ku amareen Waaalidiinta reer guuraaga ah ee Deegaanada Caad iyo Maayi oo hoostaga Xarar-dheere keenaan Caruurta Da doodu u dhaxayso 10 ilaa 15 Sano si ay u askareeyaan oo ay uga barbar Dagaalamaan Mustaqbalka dhow, waxayna doonayeen inay Caruurta u kaxaystaan Degmada Xarar-dheere oo ah Saldhigooda ugu wayn ee Degaanada Maamulka Galmudug halkaas oo sida la sheegay ay ku leeyihiin Xareyo loo diyaariyay Askaraynta Caruurta iyo Cidkasta oo ku biiraysa Kooxda,

Bulshada Xoolaha dhaqatada ayaa ka biya diiday dalabka Al-shabaab waxaana u cuntami wayday in laga kaxaysto Caruurtii Xoolaha u ilaalin lahayd ama biya Ceelashada uga dooni lahayd waxayna go’aan sadeen inay Dagaal la galaan Kooxda doonaysa inay wataan Dhalaankooda, Dagaalka oo socda ku dhawaad Todobaatan iyo labo (72) saacadood waxaa jira Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac ayadoo wararka sheegayaan in Khasaaruhu ku badan yahay dhinaca Al-shabaab,

Waxaase muuqata hadii Dagaalku sii sococdo in Xoola dhaqatadu aysan awoodi karin Dagaal dheer oo ay la galaan Koox Dagaal kula jirta Dowladdo is biirsday sida Howlgalka Amisom ee Wadamada Itoobiya, Uganda, Jabuuti Kenya Burindi kuwo kale oo cadaan sida Maraykan iyo Ciidanka Dowladda Somalia Halka Xoolaalaydu aysan haysan wax ka badan hal hal AK7 oo kaliya ama Qoryaha Gacanta oo la tiri karo Rasaasta ku jirta mana jirto Gurmad ay ka heeleen Maamulka Xaaf iyo Dowladda dhexe, Basle maaha Dad niyad jabaya ee qaarkood oo Warbaabinta la hadlay ayaa sheegay in aysan joojin doonin Dagaalka ka dhan ah Al-shabaab inta lagu haysto Ilmahooda, waxaana muuqata in Al-shabaab oo sheegta inay ku jihaadaan Amisom iyo Ciidanka Dowladda markaan ayaga Reer Guuraagu ku jihaadayaan

Al-shabaab ayaa intii uu socday Dagaalku waxay Dab qabadsiiyeen Xaafado ay Qoraxda iyo Qabowga ka gali jireen ku dhawaad 800 Boqol oo Qoys waxaana baraykacay Haweenkii iyo Caruurtii ayadoo Shabaabku u sheegeen Dadka Degaankaas inta diidan yihiin Dalabkooda ay dhiigooda iyo Xoolahoodu banaan yihiin, Dadka reer Caad ayaad moodaa in la lagu fiirsanayo Cadowga, dhibka ugu wayn ee haysta uu yahay inaysan xitaa heli karin Xaruun Caafimaad oo ay ku dabiibtaan kooda ku dhaawacma Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab Magaalada Cadaado ayaa ugu dhow Isbitaal wax looga qaban karo dhaawacyada Halista Waxayna Deegaanka lagu Dagaalayo u jirtaa ku dhawaad 200 Boqol oo KM mana Awoodan mararka qaar Gadiidkii masaafada intaas la eg kasoo qaadi lahaa dhaawacyada, waxaa dhacday in qaarkood Geedaha hoostooda Dhiigbax ugu dhinteen halka Kooxda la Dagalaaysaa ay dhaawacooda si fudud u gaysan Karaan Magaalada Xarardheere.

Ugu dambayntii aan ku laabto Ciwaanka Qormadayda kuna lifaaqo talo kooban ee yaan Shacabka Caad Shabaab lagu fiirsan, ayagoo ubaahan Gurmad iyo Gacansiin ay Dhalaankooda ku difaacaan karaan, Sida Gacan Milatari oo ay ka heelaan Maamulka Degaanka ee Galmudug iyo Dowladda Somalia oo waajib ka saaran yahay Difaaca Shacabkooda balse haatan u muuqda kuwo sheeda ka eegaya Xasuuqa lagu hayo Bulshadii ay u dhaarteen oo hadii Caruurtooda Al-shabaab wataan noqo doona Cududa kasoo horjeeda ee ayaga isku Qarxin doona, Xildhibanada iyo Wasiiradda laga soo doortay Deegaanka oo qaataa Kaalintooda gurmad, Waloow Waqti xaadirkaan aysan qarkood warba ka hayn Colaad iyo Nabad wax ka jira Caad halka inta ogina kaalintoodu noqotay Meeqa laga dilay Dadkii aan malataynay, iyo Ganacsatada, Jeebnoolka iyo Dhaqaatiirta Deegaanka oo dhan kooda Hurdada kakaca ee yaan Shacabka Caad Shabaab lagu fiirsan.

W/Q: Ali Yare Abdiwahaab Aden
Email Caliyareg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dakeda Muqdisho Oo Shaqo Bilowday Xiliyada Habeenkii Ah + Sawirro
- Aug 12, 2018
Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu ...
XOG: Xasan Sheekh oo hoggaamiye u noqonaya Mucaaradka Dowladda Farmaajo, kuna soo jeeda Muqdisho
- Aug 12, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
SAWIRO:DHAGEYSO:-G/kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Buqaari oo Xariga Kajaray Maktabada Cadaado
- Aug 12, 2018
Furitaan Maktabadaan oo Ay Ka Faa,iidaysandoonaan Dhalin Yaradu Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Masuuliyiin ...
Daawo Sawiradda :- Quruxda Badan ee Magalada Guri Ceel
- Aug 9, 2018
         
Deg Deg ah-Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo shaqa joojin lagu sameyay..
- Aug 9, 2018
DEG-DEG: Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka ...
Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo digniin ka soo saaray Gaalkacyo kadib markii la sameyay….
- Aug 9, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayaa Bilaabay Furista Wadooyin xiran ee ku Yaalla Magalada Gaalkacyo kuwasi ...
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.
- Aug 8, 2018
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ...
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan
- Aug 7, 2018
Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay. Dad ka ...
DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose
- Aug 7, 2018
Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose ...
Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey
- Aug 7, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ...
Israsaaseyn Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo warar soo baxaya..
- Aug 7, 2018
  Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib ...
Faah faahin Alshabaab oo Dad ku Xir xiray Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug
- Aug 7, 2018
Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo ...
Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay
- Aug 6, 2018
  Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid ...
Mas’uuliyiin Katirsan Galmudug State Oo Fadeexad Lugaha La Galay
- Aug 6, 2018
Maamulka Galmudug ayaa hadda wajahaya Fadeexad Xubno katirsan Maamulkaasi oo sameeyey khalad weyn oo ...
Xog Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan..
- Aug 6, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku howlan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee ...
AKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
- Aug 6, 2018
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya ...
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay
- Aug 6, 2018
Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ...
War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Duleedka Baydhabo
- Aug 6, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay Ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu hadda ka ...
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla
- Aug 6, 2018
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay ...
XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)
- Aug 6, 2018
Warar hoose oo ay heleyso  codkagalmudug ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu ...

.