Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay

 

Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

Kulanka dhaarinta oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga joogtada.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha Wasiirada.

ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.

“ Mudane Guddoomiye waxa sharaf weyn inoo ah inan idiin soo gudbino lix mas’uul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye mas”uuliyiintan maanta la dhaariyay waxa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumadda” ayuu yiri Ra’isal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si sax ah shaqadooda u gutaan.

“ Golaha shacabaka waxa uu furmi doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Wasiirada maanta la dhaariyay waxa ay kala yihiin:-

  1. Mudane C/llaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
  2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
  3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
  4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Dakeda Muqdisho Oo Shaqo Bilowday Xiliyada Habeenkii Ah + Sawirro
- Aug 12, 2018
Waxaa Caawa Munaasabad Kooban oo lagu daah furayay shaqada dekadda xiliga habeenkii ah lagu ...
XOG: Xasan Sheekh oo hoggaamiye u noqonaya Mucaaradka Dowladda Farmaajo, kuna soo jeeda Muqdisho
- Aug 12, 2018
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ...
SAWIRO:DHAGEYSO:-G/kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Buqaari oo Xariga Kajaray Maktabada Cadaado
- Aug 12, 2018
Furitaan Maktabadaan oo Ay Ka Faa,iidaysandoonaan Dhalin Yaradu Ayaa Waxaa Goob Joog Ahaa Masuuliyiin ...
Daawo Sawiradda :- Quruxda Badan ee Magalada Guri Ceel
- Aug 9, 2018
         
Deg Deg ah-Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo shaqa joojin lagu sameyay..
- Aug 9, 2018
DEG-DEG: Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo ka joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenka ...
Sawiro-Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo digniin ka soo saaray Gaalkacyo kadib markii la sameyay….
- Aug 9, 2018
Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayaa Bilaabay Furista Wadooyin xiran ee ku Yaalla Magalada Gaalkacyo kuwasi ...
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso.
- Aug 8, 2018
Xaaalada Galmudug iyo Rajadii shacabka oo sii xumaaneyso Hogaanka ugu sareya Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha ...
Maamulkii Ahlusuna Ee Galmudug Ku Biiray Oo Abaabulay Colaad Halis Badan
- Aug 7, 2018
Xiisad Colaadeed ayaa ka taagan Deegaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud saacadihii Lasoo dhaafay. Dad ka ...
DEG DEG: Goob Ay Ku Shirayeen Shabaab Oo La Duqeeyey Sh/Hoose
- Aug 7, 2018
Wararka Warqaad ay Heshay ayaa sheegaya in Duqeyn ay ka dhacday Gobolka Shabellaha hoose ...
Madaxweyne Shariif Xasan Sh.Aadan Oo Xilka Qaadis Deg Deg Ah Sameeyey
- Aug 7, 2018
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ...
Israsaaseyn Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay oo ka dhacay duleedka Gaalkacyo iyo warar soo baxaya..
- Aug 7, 2018
  Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka 4 kale ay dhaawacmeen ka dib ...
Faah faahin Alshabaab oo Dad ku Xir xiray Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug
- Aug 7, 2018
Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe axa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo ...
Goodax & Wasiiradii La Magaacabay Oo Maanta Ballan Culus Galay
- Aug 6, 2018
  Guddiga joogtada ee golaha shacabka BJFS ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid ...
Mas’uuliyiin Katirsan Galmudug State Oo Fadeexad Lugaha La Galay
- Aug 6, 2018
Maamulka Galmudug ayaa hadda wajahaya Fadeexad Xubno katirsan Maamulkaasi oo sameeyey khalad weyn oo ...
Xog Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan..
- Aug 6, 2018
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku howlan magacaabista Golaha Wasiirada Cusub ee ...
AKHRISO: Shax laga sameeyay tirada Wasiirada Xildhibaannada ah ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii kordhay
- Aug 6, 2018
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay magacaabay lix xubnood oo ka mid noqonaya ...
BIGNEWS: Hanti Laga Soo Bililiqeystay DDSI Oo Gacanta Lagu Dhigay
- Aug 6, 2018
Ciidamada Amniga Ee Soomaaliland Ayaa Xabsiga dhigay Dad la tuhmay inay soo xadeen Hanti ...
War Deg Deg Ah: Dagaal Xoogan Oo Ka Socdo Duleedka Baydhabo
- Aug 6, 2018
Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bay Ayaa sheegaya in Dagaal Xoogan uu hadda ka ...
Meydadka 8 ruux oo Soomaali ah oo laga helay Kaniisad iyo Xero ciidan oo Jigjiga ku yaalla
- Aug 6, 2018
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo Meydka 8 qof oo Soomaali ah ayaa laga helay ...
XOG: Mukhtaar Roobow oo ku Dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne (Ogow Dowladaha Taageeraya)
- Aug 6, 2018
Warar hoose oo ay heleyso  codkagalmudug ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu ...

.